Cumar Cabdirashiid Oo Gaadhay Muqdisho Iyo Waddooyinka Oo Loo Xidhay

Muqdisho (Berbera news) Danjiraha Somaliya u fadhiya Dalka Maraykanka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa lagu waddo in loo magacaabo Raysal-wasaaraha cusub ee Somaliya ayaa maanta gaadhay Magaaladda Muqdisho, iyadda oo loo xidhay Waddooyinka Muqdisho.
 
 
 
 
Mr. Sharmaarke oo weli haya xilka dajiraha Soomaaliya ee Mareykanka ayaa ka soo dhoofay magaalada Naiorbi oo ay diyaarad khaas ah keentay xalay, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kaga hortagay masuuliyiiin iyo siyaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
 
 
 
 
Masuulkan ayaa lagu wado in xilka Raysal-wasaaraha loo magacaabo ayaa lagu wadaa in la dajiyo Hotel ka mid ah kuwa Muqdisho, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono taageerayaashiisa.
 
 
 
Danjiraha ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaanay jirin wax war ah oo uu safarkiisa ka siiyay warbaahinta, balse waxaa lagu wadaa inuu warbaahinta la hadlayo maalmaha soo socda.
 
 
 
Cumar ayaa aabbihii Cabdirrashiid Cali Sharmaarke ayaa ka mid ahaa Raysal-wasaarayaashii ugu horreeyay ee soo maray Soomaaliya markii ay xorriyadda qaadatay, isagoo 1967-kii noqday mMdaxweynihii Soomaaliya, inkasta oo lagu dilay Gobolka Sool sannadkii 1969-kii.
 
 
 
 
Cumar Cabdirashiid ayaa ku dhashay Muqdisho sanadkii 1960-kii, waxaanu isla Muqdisho ku qaatay waxbarashadiisii hoose illaa tiisii jaamacadeed, isagoo sannadihii 2009-kii iyo 2010-kii noqday Raysal-wasaarihii dowladdii KMG-ka ahayd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.