“Dawladdu Waxay Xaq U Leedahay In Wixii Guryo, Dawladeedd Ah Ee Aan Isticmaalayn La Iibiyo” Wasiir Samaale

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ayaa maanta Su’aalo ka waydiiyay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo Golaha in muddo ah hortaalay. Wasiirka ayaa ka jawaabayay Su’aalo badan oo Mudaneyaasha mad-madow kaga jiray.
 
 
 
Wasiirka Maaliyadda oo Xildhibaani dhawr ah wax ka waydiiyeen arrinta horumarinta Gobolada bari siiba Lacagta kabka ah ee 2%-da ah ee loogu tala galay in lagu horumariyo Gobolada Bariga inuu caddeeyo Mashaariicda ilaa hadda lagu hirgaliyay maadaama ay Malaayiin doolar gaadhayso waxa uu sheegay in lacagtaas iyo Dakhli kale oo Gobolada la galiyayba horumaro aanu cayimin la galiyay.
 
 
 
 
“Arinta la xidhiidha Gobolada Bariga iyo wax ka qabadkooda,umay yaraysan Xukumaddu, wax badan bay ka qabatay, hadday tahay Iskuulo, hadday tahay Dhakhtaro, hadday tahay Wado iyo hadday tahay Kaabayaasha kale ee dhaqaalaha eekala duwan.runtii si weyn bay xukumaddu wax uga qabatay Intaas oo Xannaano(MCH), intaas oo Iskuul, intaas oo Jaamacadood, intaas oo wado bilaw ah intuba waxay runtii ka mid yihiin waxyaabaha XUkumadda Kulmiye wax ka qabatay 2%-dana sidoodii ayay u galaan dakhli ka badana wuu galaa Gobolada Bari” ayuu yidhi Wasiir Samaale.
 
 
 
Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Guryaha la iibinayo, dawladdu waxay xaq u leedahay in wixii Guryo dawladeed ah ee aan la isticmaalayn la iibiyo oo Lacagta lagu Iibinayaana ay gasho Kharasha Dawladda iyo Miisaaniyadda, markaas Miisaaniyadda 2015-ka waxaa ku jira Guryaha dad ku jiro oo u baahan in loo Sharciyeeyo oo si sharci ah looga iibiyay islamarkaana Miisaaniyadda ayay ku cad yihiin”
 
 
 
Miisaaniyadd Sanadeedkan 2015 ayaa dhawaan uu Wasiirka Maaliyaddu hor-keenay Golaha Wakiiladdda, iyadda oo maalmaha soo socdana lagu wadd inay Xildhibaanaddu ansixiyaan.
 
 
Berbera news/Hargeysa.