munaasabad lagu eegayo awoodda dumarka

Waa kuwee dumarka ku dhiirigeliya? Waa kuwee kuwo wax ka beddelay dunida oo kugu dhiirigeliyay inaad sidaas oo kale sameyso?
28 Bisha Oktoobar BBC waxay qabaneysaa munaasabad lagu eegayo awoodda dumarka.
Dadka ka hadli doona waxaa ku jira, Joyce Banda, oo ahayd Madaxweynihii Malawi 2012 ilaa May 2014, isla markaana uu jaraa’idka Forbes magazine ayaa ku tilmaamay haweeneyda ugu awoodda badan Afrika iyo Shappi Khorsandi, oo majaajiliiste Iran u dhalatay oo British ah. Waxaa ku soo biiraya Professor Lesley Yellowlees, haweeneydii ugu hooreysay ee Madaxweyne ka noqota UK Royal Society ee Chemistry 171- sano oo ay jirtay iyo Shazia Saleem oo la wadaagi doonta waaya aragnimadeeda ay ku sameysatay shirkad ay iyadu leedahay oo raashinka diyaarka ah sameysa.
Dad naqshadda sameeya, dhakhaatiir, kuwo xuquuqda u dooda, bloggers, cayaaryahanno, dhaqaale-yahanno, dad buugaagta qora, sawir-qaade iyo qaar kale oo badan ayaa ka qaybgalaya.
dumarka
Waxay ka doodi doonaan mawduucyo adag – sida loogu badbaado adigoo qaxooti ah goobaha dagaallada ama sida loo quudiyo qoys ballaaran. Guurka gabdhaha yaryar, caafimaadka iyo arimo kale ayaa k mid ah doodaha.
Haween dunida dhan ka kala yimid ayaa ku soo biiri doona oo ka hadli doona waaya-aragnimadooda.
Waxaan kale oo dooneynaa sawirro dumar diiday takooridda iyo waxa laga aaminsan yahay. Ma heysaa sawir haweeney sameyneysa wax aan laga fileyn oo aad jeceshahay inaad dunida la wadaagto?


Waxaan kale oo dooneynaa inaad noo soo dirtaan sheekeeyon ama sawirro maalmeedka dumarka lagu takooro iyo hab dhaqankaas takooridda ah oo aad aragtay. Ku soo dir email haveyoursay@bbc.co.uk oo noo dhaaf meel aan kaala xiriirno haddii aad ku faraxsan tahay in weriye BBC kula hadlo.
Ku soo dir sawiradiina iyo muuqaal video yourpics@bbc.co.uk 61124 (UK) ama +44 7624 800 100 (Caalami). Haddii aad heyso feyl weyn halkan ayaad ku diri kartaa.