Haweenay Suxufiyad ah oo shaqada ku weyday magaca Madaxweynaha China oo ay kari wayday

Berberanews-Haweenay suxufiyad ah oo u dhalatay dalka Hindiya, ayaa shaqadeedii ku wayday, kadib markii iyadoo war akhriyeysa ay kari wayday magaca Madaxweynaha dalka China Xi Jinping, taasoo ugu yeedhay Eleven Jinping oo macnahiisu noqonaayo Maroodigii Jinping, waqti ay si toos ah war u soo tebinaysay.
Khaladkan suxufiyadu gashay waxa uu dhacay waqti ay soo tebinaysay Madaxweynaha China Mr. Xi Jiping oo markii ugu horraysay booqasho rasmi ah ku tegay dalka Hindiya.
Chine iyo India
Madaxa telefiishankan Hawahar Sircar, ayaa sheegay in suxufiyadaas tallaabo degdeg ah laga qaaday sida lagu bdaabacay wargeyska Quartz ee dalka Hindiya.
“Waxaannu qaadnay tallaabo ay la socoto annagoo nidaamkayaga dib u saxnay,” ayuu Twitterkiisa ku baahiyey Jawahar.
“Doordarshan wariye u akhriyaayey warkaayaa si khalad ah ugu dhawaaqday magaca Madaxweynaha Chine, iyadoo tallaabadaas ay ku kacday ku mutaysatay ciqaab,” ayey baahiyeen waaxda baahidta telefiishanka haweenaydan ka hawlgalaysay.


Sarakiisha telefiishankan Doordarshan waxay sheegeen in suxufiyadan dhawr jeer oo hore la ganaaxay, kadib markii khaladaad ka yimaadeen war ay akhriyeysay.
Madaxweynaha China waxa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Hindiya, iyadoo uu ka qaybgalay xafaladda sannad-guurada 64aad ee ka soo wareegtay dhalashada Ra’isal-wasaaraha Hindiya Narendra Modi.