Madaxweyne Siilaanyo iyo 2da gudoomiye mucaarad oo is afgarasho ka gaadhay arintii muranka dhalisay ee Diiwaangalinta

Hargeysa(BerberaNews)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo labada guddoomiye xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay kulan la xidhiidha arrimaha diiwaangelinta madaniga ah yeeshay .
Kulankan oo Arbacadii uu dib u dhac ku yimid, ayaa inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo labada dhinac ka soo baxay, haddana waxa ay warar xogogaali Geeska Afrika u sheegeen inay Madaxweynaha iyo labada guddoomiye aad uga wada hadleen arrimaha diiwaangelinta iyo qodobada xisbiyada mucaaradka shakiga ku abuuray ee ku jira. Labada xisbi mucaarad ayaa ka shakisan inay xukuumadu diiwaangelinta madaniga ah uga dan leedahay sidii ay diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo doorashadu dib ugu dhici lahayd.
Sida ay ilahan xogogaalka ahi sheegeen Madaxweynaha iyo labada guddoomiye xisbi mucaarad ayaa isla gartay in laga wada hadlo labada qodob ee ku jira xeerka diiwaaangelinta madaniga ah, kuwaas oo kala ah qodob tilmaamaya in qofka kaadhka diiwaangelinta qaataa uu noqon doono qofka qaadan doono kaadhka diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo qodob labaad oo tilmaamaya in diiwaangelinta cod bixiyayasha la bilaabi doono marka la dhammeeyo diiwaangelinta madaniga ah. Labadan qodob ayaa walaac ku beeray labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID. Hase yeeshe Waxa ay shalay Madaxweynaha iyo labada guddoomiye isku raaceen in maanta la bilaabo kulamo u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo isku dhinac ah iyo labada xisbi mucaarad oo dhinac ah kuwaas oo lagaga wada hadlayo arrimahan, gaar ahaan labadan qodob. Kulanka ayaa maanta ka bilaabmi doona guriga madaxweyne-xigeenka, waxaana ka qayb geli doona madaxweynexigeen Saylici, wasiirada daakhiliga iyo khaarajiga iyo saddex xisbi qaran ee KULMIYE, Waddani iyo UCID. Arrimaha diiwaangelinta madaniga ah ayaa waxa si weyn isugu maandhaafsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo labada xisbi mucaarad, waxaana indhaha lagu hayaa midhaha ka soo bixi doona kulamada maanta u bilaabmaya.