Hadaad rabto inaad ogaado in qofku ku jecelyahay sammee arrintan

“Marka ay timaad luuqadda dadka wax jecel waxa lagu gartaa ma aha kelmadaha macaan ee afkiisa ka baxa, balse waa sida uu u yidhaa, sidaa darteed dadka sida dhabta ah wax u jecel inta badan codkoodu wuu iska beddelaa sida caadiga ah ee u hadlaan marka ay horfadhiyaan amma la hadlayaan qof dareen caashaq kaga jiro, waxaanay u hadlaan habka ay isleeyihiin qofka waad u soo jiidan kartaa.” Sidaa waxa lagu sheegay cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda University Stirling ee dalka Scotland.

Karim and Elhan

Daraasaddan oo laga qaaday 110 lammaaneyaal is-jecel ah oo ka soo kala jeeda England iyo Jamhuuriyadda Czech, kuwaasoo raggu ku hadlaan luqadaha English iyo Czech, waxa soo baxday in markay lammaanahooda la hadlayaan hadalkooda ka dhigaan qaar soo jiidasho leh.

 

Waxa kaloo la ogaaday in raggu codkooda ugu hooseeya ku hadlaan markay haweenka la hadlayaan, gaar ahaan gabadha ay jecel yihiin, halka ta aanay dareenka kalgacal u hayn codka ku dheereeyaan.


\

Cilmi-baadhistu waxay xustay in haweenka codka noocaas ah maqla dareen galo, isla markaana u nugladaan ninka sida dabacsan ula hadlay.

Khabiirka hoggaaminayey baadhitaankan oo la yidhaa Mr. Juan David Leongomez, ayaa sheegay in codadka waaweyn iyo kulaylka badan ragga waqtida qaar u wanaagsan yihiin, laakiin haweenka ay jecel yihiin kaga cararaan.

“Cilmi-baadhistayadu waxay xaqiijisay in bina’aadamku codka isku jeclaadaan, gaar ahaan haddii qofku ku hadlo cod soo jiidasho leh oo luqad iyo erayo macaan ku lammaan yihiin. Ragga waxa muhiim u ah inay codka ragganimada leh ee weyn amma aan naxariista badan lahayn ku hadlaan, balse marka xagga lammaanaha laga eego waxay taasi keentaa dhib iyo in is-faham-darro dhexmaro gabadha iyo ninkeeda, waxana fiican in raggu haweenka cod dabacsan oo erayo naxariis badan ku jirto kula hadlaan,” ayuu yidhi Mr. Juan.

Sidoo kale, cilmi-badhayaashu waxay xuseen in natiijadoodu noqotay in ninku gabadha aannu ka helin cod adag oo aan naxariis lahayn kula hadlo.