Muslimiinta Shiinaha oo laga hor joogsaday Soonka

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaanka gobolka Xinjiang ee galbeedka Shiinaha ayaa Muslimiinta ka mamnuucay in ay soomaan inta lagu jiro bishan barakaysan ee Ramadaanka.

Dadka la badhtilmaameedsaday ayaa waxaa ka mid ah shaqaalaha dowladda, macalimiinta iyo ardayda, kuwaas oo ka soo jeeda qowmiyadda Uighur ee laga tirada badan yahay ee degta gobolkaasi isla markaana u badan Muslimiin.

muslimiinta china

Mid ka mid ah ururada ay leeyihiin dadka ka soo jeeda qowmiyaddani Uighur oo dibadda ka jooga dalka Shinaha ayaa sheegay in xukumaddu ay xitaa dadka siinayso cunto bilaash ah maalintii si aanay u soomin.

Qaar badan oo ka mid ah dadka qowmiyaddani ayaa ka cabanaya in hoggaamiyeyaasha qaran ee dalkaasi Shiinaha ay weerar ku hayaan dhaqankooda.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in arrintani ay la xidhiidhto rabshadihii qowmiyadaha ku salaysnaa ee dhawaan ka dhacayay gobolkaasi Xinjiang.