Diyaarad 56 sano ka hor la waayay iyada iyo rakaabkii saarnaa oo la helay

Burburka diyaarad iyada iyo rakaabkii la socdayba la waayey muddo hadda laga joogo 56 sanno ruq iyo ruuxba meel ay dhigeen, ayaa kalluumaysato u dhashay dalka Taiwan ka heleen meel la rumaysnaa markii horeba inay ku burburtay.

Diyaaraddan oo nooceedu yahay PBY-5A, laguna naanaysi jiray Blue Goose, dadka qaarna u yaqaaneen Blue Swan oo siday 11 ciidammada Maraykanka ah iyo afar qof oo Taiwanese ah ayaa meel ay jaan iyo chidib dhigtay la waayey sannadkii 1958kii.

 

Kalluumaysato reer Taiwan ah, ayaa sheegay in ay arkeen diyaarad la yidhaa Blue Goose, kuwaasoo ku arkay meel aan radial lahayn.Blue-Goose

Diyaaraddan oo lagu amray inay soo qaado afar sarkaal oo Maraykan ah iyo afar taliye oo Taiwanese ah oo joogay Jasiiradda Matsu Island, isla markaana ay keento magaalada Taipei, waqtigaas oo ciidammada Maraykanku cudud taageero siinayeen Taiwanese, kadib markii Shiinuhu uu weeraray jasiiradda ka tirsan Taiwan, uguna hanjabay inuu qabsan doono.

Markii la waayey diyaaradda Blue Goose xiisaddii dagaal way qaboobaatay, Maraykankuna wuxuu ka noqday khilaafkaas uu dhinac ka ahaa, kaasoo qayb ka ahaa dagaalkii qaboobaa ee ka dhaxeeyey Ruushka iyo is-baahaysiga NATO.

Rubuc-qarnigaas baadigoobkii tiknoolajiga iyo midkii rasmiga ahaaba waa la waayey, balse waxa nasiib wanaag burburka diyaaradaas helay raggan kalluumaysatada ah.

Ibraahin Khadar Siciid