Waa maxay sababta Ingiriisku u mamnuucay Beedka Maraykanka?

Beedka digaaga ee laga isticmaalo Maraykanka  oo aad uga duwan ka Ingiriiska marka loo eego xagga dhadhadhanka, midabka iyo tayada, ayaa keenay in dalka Ingiriisku mabnuuco in dadkiisu iibsadaan beedka ka yimaad Maraykanka, kaasoo xataa sharci-darro ka dhigay.

Sababta keentay in labada beed kala duwanaydaan ayaa ah habka loo kala xannaaneeyo digaaga, habka loo kaydiyo iyio habka looga kala isticmaalo labada dal oo aad u kala duwana, taasina waxay keentay in labada dal mabnuucaan beedadka ay kala isticmalaan.

Beedka dalka Ingiriiska waxa midabkiisa ku badan midabka liimiga ah marka loo eego ka Maraykanka, waxaanna lagu kaydiyaa meel heer-kul-keedu aad u sarreeyo, halka ka Maraykanka lagu kaydiyo meel heer-kul hoosaysa leh oo aan ka hoosaysa 45 degree si looga hortago khatar xannuunka Salmonella oo ay sababto jeermis beedka ka dhasha.egg

Waddanka Ingiriiska booshariyadiisu amma dukaamadiisu ma qaboojiyaan beedka, sababtoo ah 90% bakhaaradu beedadka ay iibiyaan waxay ka yimadaan digaag laga tallaalay xannuunka Salmonella, taasina waxay ka timi markii digaaga la beero ay sababeen xannuunkaas, Ingiriiskana uu ku fiday.

Beeralayda dalka Maraykanka ee ka ganacsada beedka, waxa khasab ku ah amma looga baahan yahay in ay beedkooda ku maydhaan biyo nadiif ah oo heer-kulkoodu gaadhayo 90 degree Fahrenheit si looga saaro meesha waxyeelada uu dhalin karo jeermiska saaran beedka, kadibna beedka waxa lagu buufiyaa dawo, taassoo keenta in beedka Maraykanka uu ka dhaco lakabka sare, kaasoo ka hortaga in uu qudhmo beedku.

Dhammaan sababahaas oo dhan iyo qaar kale oo badan, waa kuwa keenay in labadan dal aanay isu dhoofin beedka digaaga, isla markaana midba ka kale beedkiisa uu sharci-darro ka dhigo in dalkiisa laga isticmaalo.