Berbera: Masuuliyiinta Hay’addaha Dawladda Oo Dhaqaale Ku Bixiya Sawirka Madaxweyne Siilaanyo  Oo Ay  Sudhaan Xafiisyadooda  

Berbera (Berbera news)  Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Aaxmed Maxamed Siilaanyo uga wakiilka ah Laamaha Dawladda ee Gobolka Saaxil ayaa ku bixiya dhaqaale badan soo iibinta Sawiro uu xardhan-yahay Sawirka Madaxwyene Siillaanyo, kuwaas oo la sheegay inay sudhaan Xafiisyadda ay Masuuliyadooda igam-yihiin iyo Xusaska 18 May iyo 26 June.

 

Shakhsiyad ku mamay malafsiga sawirradan ayay Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadda ku siiyaan Dhaqaalaha soo iibinta  Sawirka Madaxweyne Siilaanyolacag aad u badan , kuwaas oo dad ku sugan Magaaladda Hargeysa u soo dira sawirka iyo dhaqaale yar ee lagu daabaco oo aan ka badnayn 30$, haseyeeshee dhaqaale aad u badan ay kaga soo qaadaan asuulliyiinta  ku sifoobay Guul-wadaynta.

Arrintan ayaa shacabka ku dhaqan Magaaladda Berbera ay ku tilmaaneen mid muujinaysa heerka ay gaadhsiisan-tahay guul-wadaynta Xubnahan huwan Masuuliyadda Degmada iyo Gobolka Saaxil.

 

 

Berbera news/Hargeysa.