Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Khilaaf Ka Jira Xulista Golaha Dhexe Ee KULMIYE Uga Baaqday Safar Uu Ugu Kicitimi Lahaa Maraykanka

Hargeysa (Berbera news) Waxa galabta lagu wadday inuu Maddaarka Cigaal   International  Airport ee Magaaladda Hargeysa uu ka dhoofo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sidda la sheegay baaday khilaaf ka jira qaabka loo soo xulayo Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYEoo uu tabasho ka qabo.
 
Ilo-xogogaal ah  ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenku uu ku wargeliyay Wafti uu hoggaamin lahaa oo safar ugu kicitimi lahaa Dalka Maraykanka oo Jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan ay kala qayb-gali lahaayeen Munaasibadda 18 May  inuu ka baaq-day Safarkaasi.
 
 
Dhinaca kale Wasiirkam Madaxtooyadda Somaliland Xiris Cali X. Xasan oo  ka mid ah Waftiga Madaxweyne ku xigeenka  ku wehelin-lahaa Safarkaasi ayaa ka dhoofay Madaarka, kaas oo ka gaabsadday inuu Warbaahinta siiyo faah-faahin ku saabsan safar uu ku tagayo Maraykanka.
 
Arrintan ayaa waxay dibadda u soo-saari kartaa tabasho uu Madaxweyne ku xigeenku ka tirsanayo nidaamka loo xulayo Xubnaha Golaha dhexe, iyadda oo hore ay u jirtay khilaaf ka duwan kan maanta dibada u soo baxay oo dhex-maray Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xubno kale oo awoodo ku leh Xukuumadda.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.