“Waxa Dhacay Dulmi Iyo Caddaaladd Daro Mar Walba, Siilaanyo Xal U Arko Xadhig  Iyo Xabadd Sidii Taliskii Siyaad Barre” Muj. Cali-guray

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamedd Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay Shaqaaqo ka dhacday Magaalada Tog-Wajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley.
 
Guddoomiye Cali Guray waxa uu sidaasi  ku sheegay qoraal Kooban oo uu ku baahiyay Boggisa Facebook,waxaanu yidhi “Waxan halkan tacsi uga dirayaa qoyskii iyo eheladii marxuunkii ku geeriyooday gacanta ciidanka Bilayska ee Tog Wajaale ka dib markii mudaaharaad ka salmi ahi ka dhacay halkaa. Xadhiga iyo xabaddu waa xalka uu caadaystay in maamulka Axmed Silanyo uu kula dhaqmo mar kasta oo dad rayid ah oo wax saluugsani ay ku kacaan mudaaharaad salmi ah si ay u muujiyaan dareenkooda iyo cabashooyinkooda laga hoos qaadi waayay.
 
Waxan leeyahay marxuunka Alleh ha u naxariisto qoyskii iyo eheladii uu ka baxay na samir iyo iiman Alleh ha ka siiyo.
 
Inta badan maaha askarta oo dhan ku rasaasta hoosta ugu dhiga ee toogta dadka mudaaharaadaya balse waxa jiri kara kuwo ka mid ah oo si toosa uga amar qaata Madaxtooyada ama u balansan.
 
Taasi na waa sababta aan marna loo baadhin sidii ay wax u dhaceen iyo cidii ka dambaysay dilalkii dhacay ee ay ku dhinteen in badan oo aan waxba galabsani.
 
 
Waxan dhacaya oo dhami waxay qayb ka yihiin dulmiga, cadaalad dararada iyo tacadiyada hoogtada ah ee lagu hayo shacbiga iyadoo mar walba maamulka Axmed Silanyo uu xal u arko xadhig iyo xabad sidii taliskii Siyaad Barre oo kale.”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.