Hargeysa : Qashin Buuxiyay Goobo Ka Mid Ah Waddooyinka Caasimadda Iyo Khilaaf U Dhexeeya Maayarka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Saamayn Ku Yeeshay Bilicdda Magaaladda

Hargeysa (Berbera news)  Goobo ka mid ah Waddooyinka Caasimadda Hargeysa ayaa waxa buuxiyay qashin, kaas oo saamayn ku yeeshay Bilicadda Magaaladda.
 
Qashinkan ayaa tuulmay goobaha miyo-bareenadda ah ee ay maraan Biyaha Roobku, iyadda oo xiligana ay curaynayaan Roobabakii gu’ga, waxaana ka dhalan-kara Cuduradda ka dhasha Nadaafad-daradda Qashinkaasi buuxiyay goobahan.
 
 
Ilo-xogogaal ah ayaa sheegay in khilaaf u dhexeeya hogaanka sare ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa uu sababay inuu hakaddo furitaanka kal-fadhgii 21-aad ee Golaha Deegaanka oo Todobaaddkii dhamaaday furmi-lahaa,  waxaanu khilaafkani salka ku haya sidda ay tibaaxuhu sheegayaan is-faham la’aan Maamul oo u dhaxaysa Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo ku xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagoweyne) , kuwaas oo khilaafkooddani sababay in aanu furmin kal-fadhigaasi oo lagaga doodi lahaa qorshayaal cusub oo Golaha Deegaanku ay ku dejisan lahaayeen kal-fadhigoodddaasi.
 
Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa xilka haya muddo sanad iyo dheeraad ah, waxaanay xiligii ay ku jireen Ololihii Doorashaddii Golaha Deegaanka ee Dalka ka dhacday 28-kii November sanadkii 2012-kii ay Bulshadda codka kaga heleen inay wax ka qabanayaan Qashinka ay Caasimaddu wehelka u noqotay.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.