Aljeeriya oo Maanta Loo Dareeray Doorashada Madaxweynaha

ALjeeriya (berbernews)Waxaa maanta oo Khamiis ah dalkaasi Aljeeriya ka dhaceysa doorashada Madaxweynaha oo uu markale isu soo taagay Madaxweynaha xilka haya Cabdicasiis Butafalika.

Algeria's President Abdelaziz Bouteflika meets with Qatar's PM Sheikh Hamad bin Jassim al-Thani in Algiers

Madaxweyne Cabdicasiis Butafilika oo imika da,diisu tahay  77-jir ayaa doonaya in mar 4aad loo doorto xilka Madaxweynaha. Hogaamiyaha Aljeeriya ayaa muddo 2 sano ah lagu arag fagaarayaasha, wuxuuna sanadihii lasoo dhaafay la tacaalayey xanuun dhanka wadnaha ah.

Walow laga deyrinayo caafimaadka Madaxweynaha Aljeeriya hadana wuxuu weli taageero xoogleh ka heystaa militariga dalkaasi Aljeeriya.

MurashaxBenfilii170414-400x225

Mucaaridka ayaa waxaa hogaaminaya Murashaxa Cali Benfaliis oo horey usoo noqday Raysalwasaare, hogaamiyahan ayaa sheegay inaan loo dul qaadan karin xil kordhin loo sameeyo xukuumada dalka ka talisa, isagoo sheegay in loo baahan yahay in wadanka Aljeeriya isbedal uu ka dhaco.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa qaarkood ku dhaliilay xukuumada inay musuq maasuq xoogleh ku heyso habka ay doorashada u dhaceyso.

 
 

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland