Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada oo dhaawac halis ah lagu gaadhsiiyay Burco

Hargeysa(Berberanews)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa maanta lagu tooriyeeyay magaalada Burco  iyadoo la sheegay in xildhibaanka uu soo gaadhay dhaawac halis ah oo ay sababtay  toorayda oo meelo kala duwan oo halbowle ah kaga dhacday.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo wax laga Weydiiyay dhaawaca loo gaystay Xildhibaanka Toorayda lagu weeraray ayaa sheegay in ninka Xildhibaanka tooriyeeyay ay isku faamli yihiin isla markaana  uu ahaa nin Xanuunsanaya oo lagu daba jiro,walina aan la soo qaban.
 Xildhibaan
Maxamed Muuse Diiriye,ayaa intaa ku daray in Xildhibaanka ay ku dhaceen shan tooriyood  isal markaana imika lagu dawaynayo Cisbitaalka guud ee magaalada Burco iyadoo uu sheegay in xaaladiisu aanay imika naf ka eeg ahayn laakiin uu dhaawac weyn qabo.
Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan,ayaa la sheegay in ninku tooray ku weeraray maanta salaadii duhur kolkii uu ka soo baxay masaajidka uu ka dhisay ee badhtamaha suuqa weyne ee Burco.
Lama oga sababta keentay in Xildhibaanka lagu weeraro Toori iyadoo aan walina la soo qaban ninka falkaa gaystay .
Berberanews,com
info@berberanews.com