“Waxa uu samaynayaanayo Siilaanyo wax loo dul qaadan karo maaha..”Mujaahid dhegaweyne

Hargeysa(Berberanews):-Afhayeenka madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen(Dhaga Wayne) ayaa markii ugu horaysay ka  hadlay falalka ay xukuumadu kula kacdo warbaahinta madaxa banaan iyo dadka shacabka ah ee kale.

Mujaahid Dhaga Wayne oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay xukuumadu dhaaftay waxyaalo badan oo laga xishoon jiray, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in dalka laga badbaadiyo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

 DHEGAWEYNE-300x225

Ugu horayn mujaahid Dhaga Wayne oo ka hadlaya falalka ay xukuumadu ku hayso warbaahinta madaxa banaan  ayaa sheegay  inaan loo dul qaadan Karin falalka noocan ah  waxa uu yidhi “C.I.D-dan maalinta wax ku gudbisa iyo maxkamadan cidba aan loo eegayn, ilaa maantana waraaq umay gayn dadkii ay ka xidheen hay’addaha warbaahinta waxaanay u geeyeen waraaqihii madbacada  iyo ciidan aniguna waan soo akhriyey, waxaasina waa wax bina aadan ka xishoodo,  dawlad , bina aadanimo  iyo akhlaaqdii umada ayey ka baxsan tahay waxa uu samaynayaana(Madaxweyne Siilaanyo) wax loo dul qaadan karo maaha, umada dhan ee ay meesha ka soo dareeriyeena warqad sharci ah umay gayn oo may odhan waxaas ayaad danbi leedihiin, yaa dhagaystay dacwadooda yaase xukumay , inanka xukumayna waxba muu xukumin maxkamadna anigu uma arko waana wasakh kale.” Ayuu yidhi mujaahid Dhaga Wayne.

Sidoo kale mujaahid Dhaga wayne waxa uu fariin u diray guud ahaanba shacabka Somaliland isaga oo u soo jeediyey inay ka tashadaan wixii laga yeeli lahaa xukuumada haatan talada dalka haysa  waxaanu yidhi “Haday cay ka xanaaqayaan  anaga ayaa ku odhanayna ee inanka wax xukumay waa bilaa akhlaaq, wax is dhaamaa meesha ma joogaan, waxani sidan ku socon maayaan ee waxaan leeyahay umadu ha ka tashato, akhlaaqdii bina aadanka iyo dawladnimadiiba way ka baxeen markaa dadka ma reernimo ayey ku xukumayaan, afar inan oo isku reer ahi umad xukumi maayaan noqona mayso ee waa in layska celiyaa oo aan dib loogu dul qaadan waxani edeb darro way dhaaftay, waxaan ku soo gaba gabaynayaa umada hoos haw eegto waxan socda.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Mujaahid Dhaga Wayne.