FANAANADA HODAN CABDIRAXMAAN DHEERE WAXAA TABAY FANKII SOMALAILAND!! Qaliinki: Mustafe Hassan

Hodan Cabdiraxmaan Dheere waxay ka soo jeeda qoys dhanka fanka fac wayn ku leh oo illaahay hibo I siiyay fanka, Hodana waxay hiddo raacday ehelkeeda oo ay ku daba jirta siddii ay u soo noolayn lahayd fankoodii iyo guud ahaanba hormarinta fanka Soomaalida.

 

Haddaba muddadii ay fanka ku jirtay Hodan waxaa lagu xasuustaa doorkii ay ka qaadatay kooxo ay ku jirtay oo ay baal dahaba kaga jirtay.

hodan (2)

Waxaynu ogayn doorkii ay ku lahayd kooxaha waayahay cusub oo ay ka shaqaysay hormarinta kooxdan, laakiin aniga waxaa isoo jiitay qaabkii tolmoonaa ee ay u dhaqaajisay una dardar galisay dhow bilood oo ay joogtay Soomaaliland kooxda xiddiga Geeska.

Intii ay Hodan Cabdiraxmaan ku sugnayd Soomaaliland waxaa kor u kacay xiisaha iyo dhagaysiga kooxdan xidigaha Geeska oo ay ka muuqatay dardar xoogle.

Arintan ayaa ina tusaysa qaabka hogaamineed ee Hodan cabdiraxmaan leedahay waayo markay ka dhooftay Hargaysa waxaa hoos u dhacay dhagasiga xidigaha Geeska, tusaale yar oo kooban aan idin siiyo u fiirsada heesaha ka baxa dhamaan gawaadhida Hargaysa waxaa inta badan aad loo dhagaysata heesaha Hodan Cabdiraxmaan la qaado qaar ka tirsan xidigaha Geeska oo aad loo dhagaysto.

 

Haddaba waxaan baaq u dirayaa Hodan Cabdiraxmaan dheere inay dalka ku soo laabtao oo ay dardar galiso fankii ay sidda xawliga kor ugu qaaday wakhtigii ay Hargaysa joogtay.

 


Mustafe Hassan

mmustaphe@yahoo.com

Hargaysa, Somaliland