LAWDHKII CURYAAMADDA: Sheeko Xiise Badan

LAWDHKII CURYAAMADDA: Sheeko Xiise Badan
Maalin maalmaha kamida ayaan raacay bas ka dhex rakaabsada magalada hargaysa dhexdeeda oo xaafad kamida magaalada taga kaas oo qaada rakaab gaadhaya 30 qof.

Markuu buuxsamay ayuu dhaqaaqay waa basle iyo caadadiiye markuu indoor ah socday ayuu darawalkii gaadhigu yidhi rakaabaw isku soodardara lacagta waa lawdhkii curyaamadee. Islaan fadhida kursiga habarmawaaye la idhaahdo ayaa tidhi bisinka waar gaadhiga curyaanba wada, maanta laynoo yaaba alle hasahlee, waar cidd darawala ma idinkujirtaa ninka gaadhiga hakaqabatee? Intaa markay tidhi dadkii saarnaana aanay soo jawaabcelin ayuu isagii yidhi ee hana haabrin curyaan manihine. Hooyo kumaan habaarrine dee adaa yidhi, ee curyaankii aad lahayd iskugu soodardara waayo?. Wuxu yidhi waa curyaamad caruurrna aan dhalin maalinkastana biil rabta inagoo dhana waa siyaa lacagtaa mid walba wixii jeebkiisa soogala. Islaanti intay yaabtay ayay madaxa gacanta saartay oo tidhi waar lasiiqaadku badanaa oo majinbaa taasi lawada biilayaa, kharashkeeduna badanaa dee mar hadaanay waxba dhalayn dhaqaalihiina ay urursatay iskafur oo mid wax kuudhasha guurso curyaamaddna aan ahayn. Intuu qoslay ayuu yidhi anigu waaban furaya ee ragga gaadhiga saaran waxaad su’aasha inay iyaguna furayaan?. Mid rakaabkii kamida ayaa hadloo yidhi waar hadaynu kuligeen wada furno qaar kalaa hada meherinaya markaa waynu coloobaynaa cunahana way inagu dhagaysaa caawa yaa inagaqabanaya?. Islaanti waxay dhaaftay meeshay kudagaysay iyadoo sheekadani lafogaatay ayay tidhi waar meeshina idhaafisee bal ijoog aan curyaamadan  kacararo intaanay cunaha igudhagine, markay siidagaysay ayay kii kuxigay tidhi hooyo waa tuma curyaamadaasi? Daaqadaan kaagasheegin markay daaqada lasimantay ayuu dhagta usaaray waa qaadka aan cunayno. Islaanti ayaa tidhi walee waa runtaa dadkuba waa wada biiliya baalayada. Runtii faah-faahin badan uma baahna waxan usoo qatay qoraalkan bahalka halkuu bulshada kamarayo iyo magacyada loola baxay oo aad ka arkayso in dadkii uu cagaha ka fadhiisiyay dhaqaalena iskadaa hadalkii.

Qofku markuu cunno mudo saacado ah ayuu kuqaadanaya inuu dhameeyo, waxa uugu xigaysa hurdo la’aan habeenkii oodhana taas oo ku qasabta inuu subaxa gam’o dabadeed hawlihiisi halkaas kudhaafan.

Qallinkii: Tarabi Aadan Tarabi
Email: tarabi090@hotmail.com