MAANSO: ASTURA, W.C: Yaasmiin M. Kaahin

Waa maanso ku saabsan qiimaha Hooyadu leedahay iyo halka ay nolosha kaga jirto. Waxay tilmaamaysaa kaalinta nolosha ay ku leedahay hooyadu. 

 Asturaay awoodeey
Marna aayahaygaay
Adhaxdiyo lafdhabartaay
Udubkaan ku joogaay
Obocdayda beerkaay
Addinkiyo laxaadkaay
Anna ababshahaygaay
Hooyooy udgooneey.
 
Ileyseey habeeyaay
Iimaha daboolaay
Deyreey ammaaneey
Anfaceey aqooneey
Aasaaska noloshaay.
 
.
Adhaxdaygu qaaddaay
Eegmadaygu koriyaay
Ummal iyo xanuuniyo
Bukaan ila necbaadaay
Aynigay I dhaafshaay
Hooyooy itaalkaa
Maxaad ii ordaysoo
Anigoon habeen jirin
Erey kuuba celinayn 
Ebyaneey sabaalaha
Aadmigu kolkuu lado
Ii toostay hooyooy,
I habaysay anigoo
Dhulka iiba diiddoo
Igu haysay laabtoo
Oohintayga dhawrtoo
I maaweelinaysoo
Kolna aad amaantay 
Inta quruxi leedahay
Iigu tirisay heesoo
Inaan horumar gaadhiyo
Ii jeexday hilinkaan
Aayatiinka hanan laa.
 
Anbaqaadka garashada
Alif macallin ii dhiga
Adaa ugu horeeyoo
Hooyooy afkaygiyo
Asal raaca hadalkiyo
Edeb iyo tacliiniyo
Dhaqankii awoowgey
Hoobeeyda igu barey.
 
 
Aqal aad ka maqantay
Aflax lagama gaadhee
Ruuxii ayaan qudha
Araggaaga waayaa
Ileyn wuu irdhoobaa
Ololaa ku raadshaa
Waayuhu asqeeyaan
Naxariis irmaaneey.
 
Bilicdiyo iftiinkaay
Kaahii aduunyada
Edeg madow ka saaree
If baaxaya keenaay
Iridaha wanaagaay
Ilin lagu jannoobaay.
 
 
Intaad nooshay hooyoy
Hubaal  iilan maayee
Hibadiyo aftahamada
Eebbahay I siiyaay
Abaalkaa ma gudayee
Kuu Eebbe tuugaye
Hadaad aaddo hoostiyo
Ardaagii dhabtaa ahaa
Alnaciima hooyooy
Intay ehel wadaagaan
Iridaha toddobadaa
Idilkoodba kuu furan
Malag kuu adeegiyo
Janno lagu arsaaqyeey
Asxaabtii rasuulkiyo
Umu muuminiitiyo
Nabigii  udgoona
Lagu gee agtoodii.
 
Aamiin. 
Yasmin-M-kaahin
 
Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin
Hargeisa, Somaliland.