Maxamed Saleebaan Tubeec: Taariikhdiisii oo kooban iyo Weedhaha ay Foolaadka Fanku ka yidhaahdee

Regensburg(Berberanews):- Allaah ha u naxariistii Fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec, ayaa shalay waabberigii ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Regensburg oo ah Caasimadda gobolka Bavaria ee waddanka Jarmalka, halkaas oo uu muddo jiifay, isla markaana qalliimo dhawr ah loogu sameeyey, ka dib markii bilawgii sannadkan xanuun haleelay halkaas loo geeyey si loogu soo daweeyo.

MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC

Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec waxa uu ku dhashay sannadkii 1941-kii Deegaanka Laalays oo ka tirsan degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo uu ku dardaarmay in lagu aaso marka uu dhinto. Maxamed Saleebaan Tubeex waxa uu sannadihii lixdamaadkii Fanka ka bilaabay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaanu qaaday Heeso tiro badan oo isugu jira kuwo Waddani ah, qaar Gobonnimo-doon ah, kuwo sifaynaya qaddiyadaha heer caalami, kuwo jacayl ah iyo kuwo shaqsi ah-ba.

Maxamed Saleebaan Tubeec, oo lagu tilmaami jiray Boqorka Codka Fannaaniinta Soomaaliyeed, aadna u cod macaanaa, waxa uu ka mid ahaa hormuudka Fanka Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Fannaan aad looga jecel yahay Heesihiisa guud ahaan dhulka ay ummadda Afka Soomaaliga ku hadashaa degto. Allaah ha u naxariistee waxa uu Ifka kaga tegay 32 qof oo isugu jira Carruurta uu dhalay iyo Ubadka ay sii dhaleen ee uu Awoowga u ahaa.

Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo wax laga weydiiyey Taariikhda Fanneed ee Maxamed Saleebaan Tubeec iyo shaqsiyaddiisii intauu ka yaqaannay, ayaa tilmaamay inuu muddo badan yaqaanay, isla markaana uu ka mid ahaa shaqsiyaadkla Fanka Soomaalidyeed caanka ku noqday yaraantoodiiba. Abwaan Tarabbi Tacsi iyo duco ka dib, waxa uu Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec ku tilmaamay sida uu u malaynayo inuu ahaa Fannaanka labaad ee  ugu heesaha badan Fannaaniinta Soomaalida marka laga reebo Fannaanka Maxamed Axmed Kuluc oo uu Abwaanku ku tilmaamay Fannaanka ugu heesaha badan Fannaaniinta Soomaaliyeed. Waxaanu sheegay inuu Ifka kaga tegay 32 qof marka la isu geeyo Carruurta uu Marxuumku dhalay iyo kuwa uu Awoowga u ahaaba.

Fannaaniinta Soomaaliyeed ee Axmed Naaji Sacad iyo Xasan Aadan Samatar oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA wax ka weydiisay aqoontii ay u lahaayeen Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec, ayaa waxay Tacsi u direen qoyska, qaraabada, ehelada, asxbaabta, guud ahaan Fannaaniinta iyo ummadda Soomaaliyeeed meelkasta oo ay joogaan, waxaanay Illaahay uga beryeen inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo iimaanna ka siiyo guud ahaan ummadda uu ka baxay.

“Maxamed Saleebaan Tubeec Allaah Naxariistii Janno ha siiyo, waxa uu ahaa nin Fannaaniinta Soomaaliyeed kuwooda ugu horreeya ka mid ahaa, muddo dheer baannu soo wada shaqaynaynay Radio Muqdisho, Kooxda Waabberi, Qaranka, aniga iyo Isaga iyo Fanniin kale oo badani, markaa Maxamed Saleebaan waxa uu ahaa Fannaan qaali ah oo qiimo weyn ku dhex leh ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, taariikhdiisana ma illaawi karo.” Sidaa ayuu yidhi Fannaanka Axmed Naaji Sacad.

Fannaanka Xasan Aadan Samatar, ayaa sheegay inay Maxamed Saleebaan is-barteen 1971-dii, markaas oo uu Xasan Fanka ku soo biiray ka dib, isla markaana uu Taariikhda Fanka Soomaaliyeed baal Dahab ah kaga jiro, isaga oo tusaale u soo qaatay waqti ay Barnaamij kaga qaybgaleen Waddanka Najeriya oo uu xusay inay Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Xaliimo Khaliif Magool labadoodaba Allaah ha u naxariistee ay wacdaro guud ahaan ummaddii dalalka Afrika iyo caalamkaba ka socotay aad ula dhaceen.

Allaah ha u naxariisto Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec, sida Idaacadda BBC-da laanteeda Afka-Soomaaliga uu shalay u sheegay Wiil uu Marxuumku dhalay, waxa uu Maxamed Saleebaan ku dardaarmay in marka uu dhinto lagu aaso magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ee dalka Somaliland, haddii taasi ay suuragal noqon weydana lagu aaso magaalada Muqdisho ee Caasimadda waddanka Soomaaliya, hase-yeeshee, illaa hadda eheladiisu may xaqiijin meesha lagu aasi doono Allaah ha u naxariistee Meydka Maxamed Saleebaan Tubeec.

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com