“Golahaasi umadda ayuu ka wakiil yahay, ummaddu muraado ayay leedahay…” Abwaan Hadraawi

Hargeysa(Berberanews)-Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay khilaafka Siyaasaddeed ee Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo kala qaybiyey Mudanayaasha iyo shir-guddoonka.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta magaalada Hargeysa kula hadlaayey Warbaahinta, ayaa dhinacyada loollanku ka dhexeeyo u soo jeediyay inay is-ixtiraamaan dhexdoodu, dhegaha bulshadana ka dhawraan dhawaaqyada turxaanta xambaarsan ee ay Warbaahinta isu marinayaan.

“Arrintaa Golaha Wakiillada ka taagan dee waa laga wada warhayoo beryahanba way socotay, anigana dheg ka maqal ayuunbay igu tahay. Aniguna Siyaasadda iyo dawladaha ma dhex-galo, laakiinse way fiican tahay in waxyaabaha qaarkood la soo qaado.” Sidaa ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Abwaanka Hadraawi ayaa ka hadlay mawduuca wax laga waydiiyay ee muranka ka aloosan Wakiillada, waxaanu yidhi; “Golahaasi umadda ayuu ka wakiil yahay, ummaddu muraado ayay leedahay, xaalado adag ayay ku jirtaa, waxaa loogu talo-galay in horumar looga aayo, odhana maayo Maanta waa Ri’ isnuugtay oo looga wanaagsan Nin weyn oo meel fadhiistay in maalin walba keen lagu yidhaahdo.”

“Laakiinse waa la canaanayaa oo dhacday oo marka waxyaabihii loo doortay lagu saluugo waa la canaanayaa, waanay dhacday oo waynu arkaynaa, iyagaana u sababa inaan maanta ka hadalno arintooda.” ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame waxa kale oo uu fariin u diray Golaha wakiillada waxaanu yidhi; “Waxaan u dirayaa waar caano daatayba dabadood la qabayeye, umad-baa idin dooratay, umadaasi ujeeddo iyo sabab ayay idiin doorteen iyo muraado ay leeyihiin ee waar u dhaama sidan, waxaad isku haystaan dhaawac xunbuu ku yahay mujtamaca iyo qarankabe.

“Ma tihidin dad lafoow dhagax ahee, waxaad tihiin Niman Masuuliyiin ah oo la doortaye umadda xaqiida siiya oo xataa hadaad wax kale kari kari waydaan nabad-gelyo, maamuus iyo Gobanimo dhexdiina ha jirto, waayo waxa iminka lay waydiinayaa dadkii umaddu dooratay ayaa mushkiladi dhexdooda taallaa.” Sidaa ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi).