Jawaabtii Samiira: Jacbur Uu Wariye Xasan M. Yuusuf Kaga Jawaabay Maansadii Laptop

Hargeysa (berbernews)– Xasan Maxamed Yuusuf oo ah suxufi ruug caddaa ah isla markaasna ah Guddoomiyaha ururka SuxufiyiintaSomaliland ayaa curiyay maanso cusub oo jacbur ah, taas oo magaceeda la yidhaahdo “Jawaabtii Samiira”
Xasan-M-Yuusuf
Maansadan ayaa waxa uu Xasan Maxamed kaga jawaabayaa Maanso uu hore u tiriyay Axmed Cusmaan Batuun oo uu ugu magac-daray ‘Laptop’.
 
‘Jawaabtii Samiira’waxay ku bilaabantay sidan:
 
Niyaddiyo Quluubtaba
 
Hardwere-ki wadilaa
 
Adigaa khalkhaliyoo,
 
C-da iyo D-dii
 
Aan kugu xafidilaa
 
Bluetooth-yadaadaa
 
Belo soo walwaaloo
 
Trojan-ka Daran iyo
 
Virus miidhan geliyoo,
 
Faylashii Kalgacalkaba
 
Adaa Tuuree ma ogtahay .
 
Jacaylkaagi inanyow
 
Waxa diiddey laabtoo
 
Kolkaan Save idhaahdaba
 
No-bay I lleeyahay.
 
Tan Recycle binkuna
 
Very ease weeyoo
 
Haddii aad ku jirilayd
 
Restore baa ku filanoo
 
Halkaagii ku dhigilayd.
 
Dibindaabyadaadaa
 
Iskiriinki demisoo
 
Maankaygu Wiilyohow
 
Wax Repair gareeyiyo
 
Anti-virus Xaadhiyo
 
Wax Scan Yidhaahdaba
 
Markii aan ka Quustuu
 
Formaat garooboo
 
Sababtana adaaloo
 
Computerkaygaas
 
Ugu wacan Crash-kee
 
Bal Yaad eersanaysaa
 
Maskaxdaydii anigana
 
Restart aan idhaahdiyo
 
Guux hay dambeeyee
 
Meel geriirta malahoo
 
Rag Aaytii yaqaanoo
 
Fix all yidhaahdiyo
 
Injineer sameeyiyo
 
Expert-ki joogaan
 
Bal inay daweeyaan
 
Ayaan hore u geeyoo
 
Kolki lagu wareeree
 
Loo maaro waayaa
 
Imaaraadka loo diray
 
Dhawaan inuu hagaagoon
 
Internetki galo oon
 
Emailladaydiyo
 
Facekii ku laabtana
 
Waan rajeynayaayoo
 
Alle waxaan ka tuugaa
 
Inuu ii shaqeeyaa.
 
Error kaad I gelisaan
 
Xal u daydayaayoo
 
Marka aan Xasuustaba
 
Dhanjaf baygu kaca oo
 
Dhakadaa I faartoo
 
Dhaayahaan wax Arag oo
 
Dhegahaa I awdmoo
 
Lugahaan Dhaqaaqine
 
Fadlan waxaan ku leeyahay
 
Flash-kaloo aad leedoo
 
Softwere Caashaq lagu sido
 
Inistooling-maayee
 
Ha ii keenin Axmedoow
 
Asxaabtaada Face-kana
 
Aksebt ku odhan maayee
 
Iska kay illow oo
 
Kola haygu soo darin”