Gaadhigii u horreeyay ee Hargeysa lagu Xidh-xidho 1960

Berberanews-Waxa ay ahayd 1960da-meedyadii, markii uu Xaaji Cabdillaahi Sheekh Ibraahim (Abu-site), uu gaadhiga Isuzu-ga ah, oo kala furfuran, oo gobol-gobol u saxaaradaysan, oo qidcad-qidcad u bacaysan, uu Jabbaan ka soo waaridi jirey i.
Waxa ay ahayd 1960-da-meedyadii, markii warshadda ama geerashka Abu-site, ee reer Hargeysa ama reer Somaliland oo idil i ay wada yaqaannaan, baabuurka Izuzu-ga ah, oo kala dhig-dhigan lagu dhex farsamayn jirey, oo lagu dhex rakibi jirey.

Isuzu-ga
Waxa ay ahayd 1960-da-meedyadii, markii ay farsamayaqaanno iyo hawl-wadeenno tababaran, oo xirfad leh, oo aqoon leh i, ay gaadhiga oo dhammaystiran, oo ay soo jitaabiyeen, oo ay kaga soo dananiyeen, ay macmiilkii dalbaday ku wareejin jireen i.
Warshadayntu, haddeer inoo kow ma ahan, oo horay ayay Hargeysa uga bilaabantay, oo ay uga hir-gashay. Waxa suurta-galiyey, nin hibo-ganacsiyeed lahaa, oo aqoon ifeed iyo mid aakhireedba lahaa – waa Xaaji Cabdillaahi Abusite e – oo Somaliland, gaar ahaan Hargeysa ka aasaasay.
Warshad qalabaysan, oo casriyeysan, oo qaab-dhismeedku uu u dhan yahay, oo u kala qaybsan: mishiinnada – batrool iyo naafto -, ranjiga, alxanka, korontada, toornada, xidh-xidhka baabuurta cusub iyo (spare parts), ayuu dhidibada u taagey. Maamul iyo farsamayaqaanno carbisan, oo khubarada Izuzu-gu ay wax soo bareenna, wuu ka hawl-galiyey. Alla-na – isaga ayaa mahadda leh e – wuu ku guuleeyey.
Waa waagii bulshaduna ay ku luuqayn jireen:
Sitaa soo dajoo
Sagsaag ma lahoo
Waa saaruuqii
Samada loogu sahan tagey.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@yahoo.com