Xiisad ka dhalatay Sarkaal xalay lagu Dilay Beledweyne oo albaabada u laabay Ganacsiga magaalada

 

Beledweyne-(Berberanews)-Mudaharaadayaal ka cadhaysan dil xalay lagu fuliyay Sarkaal lagu magacaabi jiray Col. Xaanshi Xusseen Diiriye oo ka tirsanaa ciidammada dawladda, ayaa albaabada u laabay  Ganacsiga magaaladaas.

Sarkaalkan, ayaa wararku sheegeen inay dileen qaar ka mid ah ciidammada Milateriga ee ay wada-shaqayntu ka dhaxaysay, kuwaasoo qaarkood la sheegay in gacanta lagu dhigay.

mudaharaad1

“Waxaan idiin xaqiijinayaan in dilka sarkaalka iyo askariga kale ee dhintay ay ka danbeeyeen ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah kuwii dilka ka danbeeyay gacanta ayaa lagu hayaa, baadhitaan ayaana socda’’ sidaa waxa yidhi ayuu yidhi Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Beledweyne Gaashaanle dhexe Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo warbaahinta la hadlay maanta.

Boqollaal dadweyne ah oo ka gadooday dilka sarkaalkan, ayaa mudaharaad ballaadhan ka sammeeyay magaalada, kuwaasoo taayiro ku gubay waddooyinka, islamarkaana albaabada u laabay boqollaal meheradoodiyo dhaqdhaqaaqa isu socodka Beledweyne.

mudaharaad2

Berberanews.com

info@berberanews.com