“Safarka kooxdayada Somali Punjabi Band waxaanu ka bilaabi Doonaa Magaalada Hargeysa “ Waraysi Khaas ah, Fanaanada Nimco Degen

“Shaqo Ka Tagistaydii Muqdisho ayaa laga soo Ansixiyey ….

London-(Berberanews)-Fanaaanada iyo Barnaamij-soo saare, Nimco Maxamed (Nimco Degen), ayaa ku eedaysay maamulka Telefishanka Universal inay sii wadaan baahinta Barnaamijkii ay daadihiyaha ka ahayd ee “IIWAD SHEEKADA “ inuu muujinayo sida aanay diyaarka ugu ahayn xaq-dhowrida iyo ilaalinta  xuquuqda lahaanshaha.  Arintaas darteedna ay maxkamad u gudbisay dacwad ka dhan ah Telefishanka.

Hawl-wadeenkan hore uga tirsanaan Jirtay, shaqaalaha Universal Tv, ayaa sidoo kale Tilmaantay in sababtii ugu weynayd shaqo ka fadhiisinteeda mid salka ku haysay ku dhegenaanshaha ay ku dhegen tahay qadiyada Somaliland-nimo, waxaanay tilmaantay in arintaas ay cadaynteeda ka heshay qoraal lagu baahiyey shabakada Maracadey oo ay sheegtay in shabakadaasna uu leeyahay oo qoro mid kamid ah shaqaalaha Universal.


Nimco Degen oo habeenkii xallay iyadoo ku sugan wadanka UK, khadka telefoonka ugu warantay Shabakada Berberanews, waxa kale oo ay carabka ku adkaysay inay hore uga sii gaashaamatay xuquuqda lahaanshaha  hawleheeda oo sida ay sheegtay u diwaangashanaa (Copy Righted ), sidaas darteedna aanay suurogal noqon doonin in Barnaamijkii ay ku lahayd Telefishanka, oo sida ay ku dooday ay iyadu lahayd xuquuqdiisu  aanu noqon doonin mid ka sii baxa shaashadaha.
Fanaanada Nimco Maxamed, iyadoo ugu horeyn ka hadlaysa, goortii ugu horeysay ee ay heshay qoraalka shaqo ka fadhiisinta ah waxay tidhi : “ Walaal, 21 kii Bishan (November) ayaan ogaaday inaan dibada ka ahay shaqadii telefishanka, laakiin barnaamijkii iigu dambeeyey wuxuu ahaa todobaadkii ka horeeyey khamiistaas barnaamijka ay gabadha kale duubtay.”
Sababtii ka dambeysay shaqo ka tagisteeda oo dad badan u arkayeen arin Muqdisho laga soo maleegay waxay Nimco Degen ku sifaysay : “ Walal waa siday tahay , iyagaana soo cadeeyey , waxaanay ku cadahay , Axmed horta Muqdisho ayuu ku sugnaa , ana shaqaalaha ma jirin mid qudh ah oo dhibaato naga dhaxaysay  yarka barnaamijka ila waday mooyaane, inta kaliya ee aanu iskaga hor iman jirnay waxay ahayd , waxyaalaha siyaasadaysan ee aan shaqo ku lahayn barnaamijka Ayaan diidi jiray, aanu barnaamijka wada daadihin jirnay mooyaane , laakiin qof qudha oon dhibaato ka tirsanayo ama naga dhaxaysay ma jirin,  sidaas ayaa kuu cadaynaysa inay sheekadani ka weyn tahay TV-ga ee  Muqdisho laga soo ansixiyey. Waxa dhibaato ku ahayd dadka Somaliland-diidka ah inay maqlaan erayga ah dalka Somaliland.  Inaynu dal nahay oo aynu dal Somaliland la yidhaahdo nahay , midhkaas ayaanay dhegohoodu maqli jirin , anna marki aan ogaaday inay dhibsanayaan , Ayaan Barnaamijka ku furi jiray kuna xidhi Jiray.”
Waxay Fanaanadu iyadoo hadalkeeda sii wadata Tidhi : “ telefishanka markii hore waxaan u haystay dhex-dhexaad , laakiin inaanu dhex dhexaad ahayn waxaa kuu cadaynaysa , siday ku soo saareen shabakada Markacadey, inay ay leeyihiin aniga Nimco qadiyada Somaliland ayay ku indho la’ayd. Waxana qora shabakadaas mid kamid ah shaqaalaha TV-ga Universal.”
Waraysiga Berberanews, la yeelatay fanaanada Nimco Degen, ka sokow in shaqo ka tegisteedu salka ku haysay arimo siyaasadeed oo laga soo maleegay Muqdisho, waxa kale oo ay kaga warantay halka ay ku dambeeyeen Kooxdoodii Soomaalida iyo Hindida isugu jiray ee ( Bunjabi Somali Band ).
“Kooxdii way jirtaa, imika waxaanu wadnaa Album,  kaayagii hore ayaa Jawaab fiicani nooga soo baxday , imikana Tour (Safar wareeg) ah ayaanu baxaynaa , qori tuur aanu samaynayna waxa ku soo baxday oo nasiib u yeelatay Hargeysa Somaliland , halkaas ayaananu ka bilaabaynaa socdaal-kayaga , Aniga iyo Cabdikariin Raas ( Sayga Nimco ) iyo kooxda Somali Punjabi Band. “

Ugu Dambeyn Nimco Degen , waxay ku nuux-nuuxsatay inaanay dib ugu shaqayn doonin Telefishan aan laga ogolayn qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland.

Berberanews.com
indo@berberanews.com