Ha xoroobbo caashaqu !!! W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi (Dalxa)

W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi (Dalxa)
Berberanews-Noole kasta oo ku dulnool dunidan aynu ku nool nahay waa mid ay ku adag tahay inuu ku hoos noolaado gacmo kale oo aan suuro-gal ka dhigi karin jiraalkiisa, baahidiisana aan dabooli karin. Waxa inbadan oo taariikha ummadaha  ku xusan in dadkasta , dalkasta iyo diinkasta ay halgan dheer u soo gashay sidii ay mar uun madax bannaani u heli lahayeen si ay u faafiyaan mabaadiidooda aragti ahaneed iyagoo inbadan oo indhaha daneynaya tusaya inay yihiin ummada isku duuban oo xoriyad haysata.
 Ummad kasta oo meel kuwada nooli ama bogg-cad keliya ku mideysani horumar iyo isbeddelna isbidaysa inay gaadheen waa kuwo ku keenay tacabo iyo midho hore loo gashiyey, waqtigii ay bislaatayna ku intifaacsaday noloshoodii si ay wax ugaga baddelaan waayahooda nololeed iyagoo ku daboolaya rabitaanadooda gaarka ah.

DALXAXornimaddu waa dariiqad inta badan loo fasiri karo siyaabo kala duwan iyadoo loo marayo waddooyin kala duwan oo raaddad ku yeelan kara hanaanka geedi socod ee ay dad meel kuwada nooli ay leeyihiin, waayo  aragti kasta oo la aamisan yahay waa mid cidii aaminsani ay u tahay faa’iido iyo dariiq ay u maraan awoodahooda fullineed.
Waxan sidaa u leeyahay haaddii bulsho meel kuwadda nooli ay isku raacdo fikir ah in  noloshu aanay u baahneyn dareen mideysan oo ka soo go’a labada garab ee raba inay nolol abuuraan , waxa la odhan karaa waa mid mabda’aas ay bulshadaasi aaminsan tahay u ah mid ay ku daneysanayaan iyagoon wax tixgelina oo ay siinayaan fikirada kale aanay jirin.
Waxa arrrintaa daliil u ah boqolkiiba inta dhalinyarro ee lagu qaaday cod caqlabiyad ah iyagoo wax lagala tashaday aanay jirrin. Waxaanse rumeysanahay in raadkaa iyo sii sugnaanshiyihiisuba aanu soo waddin wax farxad ku abuuri kara qalbiyo badan oo baahan una baahan halkay niyadoodu ahayd.
Waxaan fikir ahaantay rumeysanahay in weli dareenka caashaqu aanu weli ka hoos bixin gacanta bulshadeena , waxaana muuqata in weli aanay jirrin aragtiyo farxad geliya indhaha dhallinyarrada abuurta dareenkan waayo waxaad moodaa in waxkasta ay indhaha bulshdeena ku soo cusboonanayaan maalinba maalinta ka danbeysa.
“Xaalku waa ninkii inta aroor kasta waddida gaadhiga la barro sida loo maamullo, hadana markuu seexdo halkiisii uun taagnaa””.
Waxa la odhan karaa haddii xaalkuba uu sidaa noqdo , waxa jira dareenka awood roon in la aqballo ama laysku daayo dareenkan iyo dadkiisa waayo haddi aanay jirrin maxaa ka dhigay bulshadeena kuwo aan la qabatimi karrin dareenka soo jiray muddada dheer, la hayana cadeymo dad u waxyeelloobey ama dareenkan muujiyey inuu jiro.?
Ilama aha in ay jiraan aragtiyo sheegay in aanu jirrin , waana mid lawada qirsan yahay inuu jiro noloshuna ayna la’aantii wax dhadhana lahayn. Waxaanse ognahay in dareenkan iyo xornimadiisa ay ka awood badateen aragtiyaha kale ee ay dadkeenu aaminsan yihiin sida inay nolosha unki karaan dad leh ;
Jaah = qurux
Jeed  =maal
Jillib=laan-dheere
Intaa waxa ka soo hadhana ay yihiin kuwo aan u qalmin inay nolol abuuraan , sababtu maxayse tahay in dadkeenu ay sidaa u fakaraan “ u fiirso hadba waxa kugu weyn ee maskaxdaad ku soo noq-noqda wuu kaa dhadhaca ilaa mar kadanbe uu ka muuqdo dhaqankaaga” , sidaa si lamid ah bay arrintan in lagu dhaqmo ay bushadeena kasoo dhaadhacday micnihii soo ridatay.
Waanay adkaan doontaa sida aragtidaa khaldani uu raadkeedu u baaba’o ilaa ay dadku u soo noqdaan mabda’a islaamiga ah ee alle uu ugu tallo galay in xanuunkasto oo ku imaada quluubta lagu daweeyo. Islaamku muu xoreyn dhulka ee wuxuu xoreeyey quluubta aadamaha.
Markale waxaan leeyahay ha xoroobo caashaqu , waxa laga yaaba in aad isweydiiso side loo xoreynayaa? Waxaan markasta dhalinyarrada u soo jeedinayaa in dareenkani  uu xoroobaa waxay ku xidhan tahay laba garab oo kala ah
Idinka dhalinyaro ah
Iyo bulshadeena
Waxaase loobahan yahay in marka hore hadaad dhallinyaro aad tihiin aad la timaadaan kasbashadii aad ku hanan lahaydeen indhaha bulshada idin koo u maray dariiqada saxda ah ee idin kana naftiina raali gelin karta , bulshadana soo jeedin karta.
Waxaan sidan idiin leeyahay wanaaga badani wuxuu dhalaa samo-fara badan oo soo jiidasho ku abuuri kara qalbiyada aadamaha. Haddiise aad aamintaan in aydaan waxba qaban karin waxaad u dayacan tihiin inaad ku dhacdaan bohollo waayyo-xun iyo fikiro khaldan oo dhaawac ku abuura qalbiyada dadkeena.
Dareenkan caashaqu waa mid jira jirina doona ilaa dhamaadka aduunka waayo alle dhex dhigay adoomadiisa si ay isugu xasilaan ee yaan loo turjuman si khaldan oo ka baxsan anshaxa diinteena.
Yaan loomalayn in aan horseed u ahay faaxishada iyo wixii ka baxsan diinteena, dareenkan doonayo inuu  xoroobana waa  ;
“in laysku daayo dadka raba inay abuuraan jacayl ku dhisan xasilooni iyo anshaxa diinteena islaamka ah, si ay u wadaagaan noloshay damceen.””

Afeef: Wixii khaladaad ah ee aan ku khaldanahay waxaad iigu soo hagaajin kartaan email ka  hoos ku xusan.
Alaa mahad leh….
Email: ridwaan_99@hotmail.com