Fanaanada Hodan Cabdiraxmaan Oo Farxad Kaga Baqooshay Hargeysa + Sii Dhaweyn Iyo Sawiro

Hargeysa-(Berberanews.com)-Fanaanada Hodan Cabdiraxmaan Cismaan (Hodan Cabdiraxmaan Dheere) ,  ayaa maanta ka duushay Madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa, iyadoo u sii jeeda wadanka ay ku nooshahay ee Maraykanka.

Hodan Cabdiraxmaan Dheere oo Bilihii ugu dambeeyey Ku sugnayd wadanka Somaliland,  ayaa waxa sii dhawaynteeda ka qayb qaatay  kooxda fanaaniinta ah ee Xidigaha Geeska oo aan u kala hadhin , Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi ( Cagayare) iyo dadweyne tiro badan  oo kamid ah shacabka ku dhaqan caasimada Hargeysa.

DSC_0049 DSC_0047 DSC_0217

sagootis
“Waxaan Salaamayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Umadda Reer Somaliland. Waxaan Aad ugu mahadcelinayaa Fanaanniinta oo si wanaagsan iigu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa, gaar ahaana Xidigaha Geeska, waxaan leeyahay inaynu Is Arki Illaahaybaa Og laakiin Noqda kuwii Waara, XIldhibaankana si gaara ayaan ugu mahadcelinayaa” Ayay saxaafada ku tidhi Fanaanada Hodan oo ka mahad naqaysa Sii dhawaynta ay u sameeyeen shacabka, fanaaniinta iyo xildhibaanada golaha deegaanka, iyadoo ku sugan gudaha gegida diyaaradaha ee caasimada Hargeysa.DSC_0239 DSC_0230

Xildhibaan Ismaaciil Jaamac (Cagayare) oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka Caasimada oo isna warbaahinta la hadlay ayaa waxa hadaladiisii kamid ahaa ““Sigaara ayay Farxad noogu tahay Hodan Cabdiraxmaan Dheere oo ah Bahda Fanka, hiddo iyo Isir-na u leh iyo Dhamaan Fanaanniinta”.

Fanaanadan da’da yar mudona ku noolayd wadanka USA, oo ah shaqsiyad ka soo jeeda qoys fanka iyo masraxiyada Soomaalida meeqaam sare ku leh ( Aabo Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe iyo Aamina Cabdilaahi Xirsi), ayaa muddadii ay ku sugnayd Somaliland , soo saartay heeso dhamaantood kaalmaha ugu horeeya kaga jira, heesaha ay umada Soomaaliyeed ugu dhagaysi badan tahay xiligan.
DSC_0224 DSC_0220

Berberanews.com

info@berberanews.com