Nin Damacsanaa inuu Xaaskiisa ka Nixiyo oo si Dhab ah Isku Daldalay

Qubane-(Berberanews)-Nin u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa xaaskiisa isku dayey inuu kula kaftamo xadhig uu iska dhigay inuu isku deldelayo, balse si dhab ah ayuu isu daldalay.
Ninkan oo la yidhaa Victor Hayle waxa uu naftiisa ku waayey kaftan uu xaaskiisa kula kaftay inuu iska dhigo sidii qof is dilay, kadib markii xadhigii uu luqunta iskaga xidhay sahayda  naftiisa.
Ninkan oo markii hore damacsana inuu ka nixiyo xaaskiisa waxa uu xadhig u soo xidhay meel sare oo qolkia ka mid ah, balse waxa si kedis ah isu beddeshay xaaladii kaftanka ahayd, taasoo xadhigii si dhab ah ugu rooray, halkaasna uu ku geeriyooday.
Prankster
Xaaskiisa oo arrintan looga shakiyey markii hore ayaa lagu dhawaaqay shalay in ninkan oo 57 jir ah uu kaftan ahaan ugu ciyaaraayey is dilaayo, balse arrintu si dhab ah isu beddeshay markii khalad ku yimi xadhigii uu diyaarsaday.
“Waxaan u malaynayaa in arrintu khaldantay, shilna halkaas ka dhacay oo kaftankii uu naftiisa ku waayey,” ayuu yidhi David Horsley oo kiiskan baadhis ku waday.
Mrs. Hasley ayaa sheegtay in saygeeda geeriyooday ayaa sheegtay in aanu waligii isku dayin inuu is dilo, balse habeenkaa uu kula kaftamaayey inuu is dilaayo, waxaanay tidhi; “Victor kaftan bay ka ahayd, waxananu ogaa inaan u tegaayo oo aan laydhka shidaayo, waxaanan u malaynayey inuu I sugaayo si uu iga cabsiiyo kaftankiisii badnaa awgeed, inkastoo aannu faraxsanayn muu doonayn inuu is dilo.”
Ibraahin Khadar Siciid
Berberanews.com
info@berberanews.com