Berbera: Madaxweyne ku xigeenka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Dufcaddii labaad eek a qallin-jebisa Jaamacadda Gollis

Berbera-(Berberanews)-Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi Saylici, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dufcaddii labaad eek a qallin jebisa Jaamacadda Gollis ee Berbera.

Ardayda qallinjebisay oo tiradoodu dhan tahay 58 arday oo bartay Kulliyado kala duwan, ayaa waxa xafladda Qallinjebita kala soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlammaanka Somaliland, Badhasaab-xigeenka Saaxil, Maayarka Berbera, Maamulka Jaamacadda Golis, waalid iyo masuulliyiin kale.

DSC00301 DSC00303 DSC00304 DSC00307


Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa ha,balyeeyay ardayda, waalidka iyo maamulka Jaamacadda, waxaannu yidhi, “Munaasibadda xaflada waxaan hambalyada kowad siinayaa 58ka arday ee  aqoonyahan maanta degreega kowoaad ka qaatay Gollis, waxa kale oo aan hambalyada labaad siinayaa waalidkii ku soo tabcay ee u suurtageliyay inay halkan soo gaadhaan.”ayuu yidhi

Madaxweyne xigeenku waxa uu sheegay inmagaalada Berbera isbedel weyni ku yimi markii Kulmiye talada qabtay, “Berbera gurmadka koowaad bay ahay, maalintuu Kulmiye yimi waa laga guurayay maantana waa caasimad loo soo guuro.”

Guddoomiyaha Guud ee Jaamacadaha Gollis Siciid Axmed Xasan, ayaa sheegay in himiladoodu tahay sannadka 2015inay Jaamacadda Golis noqoto ka ugu wanaagsan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxauu yidhi, “Golis waxaannu ku soconayaa inaynu noqono jaamacadda ugu wanaagsangeeska a 2015, si aynu u gaadhno taa degree-kii koowaad Hargeysa, Berbera iyo Burco way qaateen inaan dhaafno.”

Maamulaha Jaamacadda Golis ee Berbera Xildhibaan Naasir Xaaji-Cali Shire, oo isna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in Jaamacadda Golis wax ka bedeshay nolosha dadka reer Berbera, “Berbera waxa himlo u ahaa dadka dekedda ka xamaasha laakiin waannu bedelnay oo maanta waxa Berbera lagaga sheekaystaa ardayda Jamaacadda GOLIS ka qallinjebisa.

Waxananu abuuurnay Library ay isugu yimaadaanaqoonyahanka iyo ardayda jaamacadda oo waxku akhristaan.”sidaa waxa yidhi Naasir Cali Shire.