Haweenka Sucuudiga oo u dheg taagay sir cusub oo ay ku ogaan karaan Guurka raggooda

Wasaaradda Caddaallada Sucuudiga oo beenisay inay Haweenka u Sammaysay Barnaamij online ay ku ogaan karaan ninka taariikhda nin ay nolosha la wadaagayaan

Saudi-(Berberanews)-Wasaaradda Caddaalada Sucuudigu waxay waxbka kama jiraan ku tilmaantay warar ku-tiri-ku-teen ah oo sheegay in Wasaaraddu website-keeda ku kordhisay adeeg haweenka u sahlaya inay helaan macluumaadka ninka ay nolosha la wadaagi doontaa inuu hore u guursaday iyo in kale, oo la gelinayo diiwaanka numberka ninka.

Saudi women

War laga helay Wasaarada Caddaalada ayaa lagu sheegay in wararkan aan xaqiiqda ahayn, oo lagu baahiyay Baraha internetka ee Facebook iyo Twitter-ku yihiin kuwo been abuur ah, islamarkaanaaanay wasaaraddu website-keeda ku samayn addeega noocana.

Dadka qaarkood ayaa soo dhigay barahooda internetka ee Twitter iyo  Facebook in haweenku website-ka wasaaradda gelin karaan numberka aqoonsiga raggooda, si ay u ogaadaan inay guursadeen gabadh kale.

 


Berberanews.com

info@berberanews.com