Kenya oo wacad ku martay inay ka aar-goosanayso Al-shabaab, Midowga Yurub oo ka digay Qaraxyo kale iyo aas loo sammeeyay dadkii ku dhintay Westgate

Kenya-(Berberanews)-Dawladda Kenya, ayaa ku adkaysanaysa inay ciidammadeedu joogi doonaan dalka Somalia, oo aanay jeg jalaq u siinayn hadalkii ka soo yeedhay Al-shabaab ee u soo jeediyay inay ciidammada la baxaan.

“Ciidamadeennu way sii joogayaan Soomaaliya, waayo Al-shabaab waxay ku tahay khatar ammaankeenna… waxaa naga go’an inaan xoojinno dagaalka aan kula jirno kooxdan tan iyo inta uu ammaanka dalkeennu uu noqonayo mid ka nabad gala weerarraada kooxdan,” sidaa waxaa yidhi wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku oo saxaafadda kula hadlay Nairobi.



Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta ka qayb-galay aaska dad ku dhintay weerarkii Westgate, kuwaasoo ay ku jireen ehelkiisal , waxaana uu ku sheegay hadal uu jeediyay in Kenya ay ka aargudan doonto Al-shabaab.Aaska_Dadkii_ku-dhintay_Westgate Mall wesgate

Hay’adda laan-qayrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in weli ay maqan yihiin 59 qof oo lagu waayay weerarkii suuqa Westgate oo billowday Sabtidii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ku qabsatay.

Digniin ku saabsan qaraxyo kale
Sarakiil ka tirsan Midowga Yurub waxay ka digeen weeraro la mid ah kuwii ka dhacay dhismaha ganacsiga Westgate ee Nairobi kuwo la ,mid ahi inay ka dhici karaan magaalada Muqdisho.
“Waxaa jira walaac la xidhiidha in Al-Shabab ay bartilmaameed ka dhigtaan xarumaha diblomaasiyadeed iyo kuwa hay’adaha gargaarka ee ku yaala Muqdisho kuwasoo la mid ah xarunta Westgate” ayaa lagu sheegay War ay soo saareen saraakiishaasi.
“Khubaro milateri oo ka kooban 52 sarkaal ayaan Soomaaliya u soo dirnay iyagoo garoonka dayuuradaha Muqdisho ku bixin doonaan casharo ku saabsan ka hor taga weeraro argagixiso” ayuu yidhi Jen. Partick de Rousiers oo ka mid ah saraakiisha Midowga Yurub u dirtay inay caawiyaan direen si ay talooyin u siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Africa ee AMISOM ee ku sugan Somalia.

Saamaynta Kenya ee weerarkii Westgate
Mas’uuliyiinta Kenya waxay sheegtay in weerarkii Westgate  uu ahaa kii ugu xumaa ee dalkooda soo mara tan iyo 1998-kii markaasoo xubno taabacsan Al-Qaacida ay qarxiyeen safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 250-qof

Berberanews.com
info@berberanews.com