“Al-shabaab waxay khatar weyn ku tahay caalamka oo dhan, waana in la xoojiyo dagaalka lagula jiro si loo hakiyo khatartaas muuqata…” Nicholas Kay

Switzerland(Berberanews):- Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, dajire Nicholas Kay ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab laguna kordhiyo Ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya 5,000 oo Askari oo dheeraad ah.

Nocholas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab Sabtidii ku qaadday dhismaha ganacsiga Westgate Mall halkaasoo ay maalmo gacanta ku hayeen xoogaggii weeraray uuna ka dhashay khasaare badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

“Al-shabaab waxay khatar weyn ku tahay caalamka oo dhan, waana in la xoojiyo dagaalka lagula jiro si loo hakiyo khatartaas muuqata.” ayuu yidhi Kay oo ku sugan dalka Switzerland.

Sidoo kale, Ergaygu wuxuu sheegay in Al-shabaab ay khatar ku tahay dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya oo caalamka iyo Soomaalidu ay aad ugu howlan tahay, isagoo xusay in haddii fursadda maanta ay Somalia haysato ay noqonto mid aan guuleysn ay Al-shabaab dagaalkooda ku baahin doonto Afrika iyo calaamka intiisa kale.

“Ammaanka waa midka dadaalka weyn loogu jiro in la helo, waxaaan saldhig u ah in Al-shabaab la jabiyo,” ayuu yidhi Nicholas Kay oo intaas ku daray. “Dhaqaalaha ay beesha caalamku ku yaboohday Soomaaliya waa mid aad u yar, howsha na hortaallana waa mid aad u ballaaran.”

Kay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMSIOM oo la kordhiyo ay fursad u noqonayso in Al-shabaab laga adkaado, isagoo sheegay in kooxdan horay looga saaray deegaanno badna oo Soomaaliya ka tirsan.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ay afar maalmood gacanta ku hayeen suuqa ganacsi oo Nairobi ku yaalla, waxaana weerarkaas uu noqonayaa kii ugu xumaa ee Kenya ay ka geysato Al-shabaab muddo 15-sano ka badan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.