Maansada: MIXNO, Curiye: Abdiaziiz A. Mohamed

Maansadan waxaa la yiraahdaa “MIXNO” Waxay ku socotaa Abwaannada iyo Hal-abuurrada Soomaaliyeed, kuwaas oo had iyo jeer u taagan sidii ay u baraarujin lahaayeen umadda iyo sidii ay u midayn lahaayeen.

Haddaba, arinka aan doonayo maanta in aan ka hadlaahii waa dhibaato soo jirtay, haddana jirta, laakiin, ay khalad tahay in ay sii jirto, waayo waxaa naga mid ah qaar dulman oo gaar loo soocay, kuwaas oo ah kuwii noogu xirfadda iyo shaqada badnaa, ayna ahayd in aan abaal marin guddoonsiinno.

Dadkan la ISIR SOOCAY ayaa ah kuwii naga daba gayn lehaa dunida inteeda kale, sababtoo ah waxaa lagu kala horumaray dunida waa sancada, Aakhirana waa camalka wanaagsan iyo cabsida Allaah. Ka bogasho wacan maansadii (MIXNO) oo billaabatay sidan:
Maansada la tiriyiyo
Jeer ay masafa tahay
Mowhibada gabaygiyo
Murtideeda suugaan
Kuwa lagu mannaystoow
Ruux la midab takooroo
la musuq-masuqaayana
Waa inaad macnaysaan
Waxa lay mucaaraday
Ama layga meyroo
Mixnaddaan i haysaa
Maantaba dhammaataa.
Hadii aadan maqalood
Moodeysid Aadmiga
Maqaamkaaga oo kale
Inay wada maraayaan
Qaarbaa la masabiday.
Qaarbaa maraakiib
Ama mudac wax lagu tolo
Mooyaha wax lagu tumo
Markii ay masaartii
idiin muunadeeyeen
Muraadkiina fuliyeen
Lagu yiri: “Midgaanyohow!”.
Mashaqada dagaalkiyo
Kuwii diiday murankoo
Sancadii maciin biday
Ma dhibaan xun baad tahay
yaa loogu Mahadnaqay.
Kuwii muruqa maaloo
Dadkii kale ka maarmoo
Magansaday ilaahay
Magac baad ku sheegteen! (BOON)
Maqaartaad naceyseen
Kuwii muunadeeyoo
kuraas lagu murtaaxiyo
Jaakadaha ka muhandasay
Waad mala awaasheen.
Haddaan maqasti qaatoon
Madixii idiin jaray
Majliskii akhyaartii
Layguma macsuumine
Mamnuuc baad tiraahdeen.
Baddaa mowjadaha lee
Mowlaheen nasiiyana
Mallaaygii la cunayiyo
Haddaan maal ka keenana
Waad igu mashquusheen.
Shacabkaan matalayana
Mudanahay lahaayeen
Haddaan maanka galiyoon
Miiska soo fariistana
Midkalaad titaahdeen (OTHARS).
Midabkiyo caqiidada
Afkeennii macaanaa
Layguma maciinine
Waa laygu maadsaday.
Ruux la midab takooroo
la musuq-masuqaayana
Waa inaad macnaysaan
Waxa lay mucaaraday
Ama layga meyroo
Mixnaddaan i haysaa
Maantaba dhammaataa.
Dhammaad.
Curiye: Abdiaziiz A. Mohamed
aziizxg@hotmail.com