Ma Aqbali Karno in Wargeyska HUBAAL Xabbaddii Xadhig Loogu Daro

Farriin Kooban:

Muwaaddin Itaalkaaga Ugu Hiili Xorriyatul-qawlka

Ma Aqbali Karno in Wargeyska HUBAAL Xabbadii Xadhig Loogu Daro

Xukuumaddu Somaliland ayaan ilaa hadda umada ka qancin weerarkii Wargeyska HUBAAL  ay Saraakiisha Booliska ah ee Afka soo duubtay ku soo qaadeen April 24.

HUBAAL1caloolay-1-300x225hubaalHujuumkaas fashilmay ka dib Xukuumaddu waxay sifo  sharciga baal-marsan u xayirtay xarunta guud  Wargeyska June 12-keedii, illaa maantana waa Xidhanyahay. Sidaas darteed, waxaa muwaadiniinta la gudboon inuu mid waliba itaalkii (Qowl iyo Qoraalba) ku taageero ololahan oo ka sokow sii daynta Wargeyska HUBAAL, lagaga hortagayo Cabudhin sii socota,  maadaama Xoriyatul-qowlku inoo wadda danyahay.