“Dastuurkii iyo sharcigii oo la baalmaray, wuxuu isku soo dhaweeyey danihii gaarka ahaa ee xukuumadda iyo baarlamaanka..”Eng M Xaashi

Hargeysa(-Berberanews) – Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu wax ka qabto khatar uu sheegay in ciidammada RRU-du ku hayaan dadweynaha Somaliland.Eng-Maxamed-Xaashi-Cilmi
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo qoraal shalay ka soo saaray Hargeysa, waxa uu dhalliilo kala duwan u jeediyey golayaasha wakiillada, guurtida, xukuumada iyo falalka ay adeegsadaan ciidanka RRU-du, isagoo xusay in musuqmaasuqu ku saamayn xun ku hayo dhaqaalaha Somaliland.
Qoraalka Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Berberanewswaxa isagoo faahfaahsan uu u qornaa sidan;
“Dastuurkii iyo sharcigii oo la baalmaray, wuxuu isku soo dhaweeyey danihii gaarka ahaa ee xukuumadda iyo baarlamaanka. Marka saddexdii dhadhaar ee is-dheelitirayey way isu soo dhawaadeen. Dherigii dhinac buu u ciiray oo halis buu ku sugan yahay. Laba tusaale oo gaagaaban;

  1. Markii Golaha Wakiilladu muddadii wakhtigu ka dhammaaday 2005, xukuumadii wakhtigaas waxa ay Golaha Guurtida ka dalbatay muddo kordhin Golaha Wakiillada oo saddex sanno ah. Golaha Guurtidu ma waydiin sababta xukuumaddu xilkeeda u gudan wayday ee doorashadii ugu qaban weyday wakhtigeeda. Xukuumaddu waxay marka mutaysatay xilka qaadid (Impeachment), xil-gudasho la’aantaa awgeed.
  2. Haddana mar labaad 2013 ayey xukuumaddu ka dalbatay Golaha Guurtida muddo kordhin Golaha Wakiillada ah oo laba sanno ah, markaana Golaha Guuritud ma waydiin xukuumadda, waxa ay u gudan waydan xilkeedii oo ay u qaban wayday doorashada wakhtigeeda. Mar labaadna xilka qaadid bay mutaysatay xukuumaddu.

Sababaha muddo kordhinta, sida sharcigu dhigaayaa waa sidan soo socota oo maha wax dhacay:
Dastuurka Somaliland Qod 42-2, wuxuu leeyahay ‘Haddii doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoomi waydo duruufo dag awgeed, duruufaha dag waa;1. Dagaal baahsan. 2. Xasilooni darro gudaha ah. 3. Aafo dabiici ah oo culus sida dhul-gariirka, cuduro faafa, abaar culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida, kadib marka Golaha Xukumaddu sidaas soo jeediyo.”
Waxa halkaa ka caddaatay in ay xukuumadda iyo baarlamaanku danaysteen oo ay u arkeen in muddo kordhinta faa’iido ugu jirto giddigood. Ugu yaraan doorashada oo dib u dhacday iyo mushaharkooda oo u socda. Waxa halka ku luma; xilkii, dhaartii iyo danihii ummadda oo ay ka doorteen danahooda gaarka ah.
Arrinka labaad, baarlamaanku ma sameeyaan xisaab-xidh, miisaaniyadda loo qondeeyey, halkaana waxa la wadaaga xukuumadda, xisaab-xidh la’aanta. Waa dambi ay giddigood wadagaan, waa xudunta musuq-maasuqa oo maraysa halkii ugu sarreeyey 100%.
Dastuurka qodob 39; “Golaha Wakiilladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha, waana qaybta 1aad ee xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaansha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.”
Muwaadin Golihii aad soo dooratay xilkaa ma gutaa?
Sida dadweynuhu ula socdo, madaxdii uu doortay, waxqabadkooda, tusaale ahaan, wuxuu goluhu u qaybsan yahay; siddeed guddi-hoosaad. Bal aan tilmaan kooban ka bixiyo qaybaha iyo hawlaha goluhu u xilsaaray guddi hoosaad walba, taasoo iftiimintooda, xil-gudashadooda iyo dhaliilahooda aan ku bilawno:-

  1. Guddi Hoosaadka Arrimaha Gudaha, Difaaca iyo Nabadgelyada:

Guddi hoosaadka shaqadoodu waa sidan soo socota:-
a)     Guddi-hoosaadkani wuxuu u xilsaaran yahay oo guluhu u igmaday dabagalka iyo la socodka habsami u taabagelinta xasiloonida iyo amniga (Enforcement of Law and order) iyo xaqiijinta iyo qiimaynta
b)     Siyaasadda difaaca dalka iyo qaranimada (State policy on defense of sovereignty and territorial integrity).
c)      Guddi-hoosaadku wuxuu arrimahaas kala xidhiidhi doonaa hay’adaha ku shaqada leh; sida Wasaaradda Arrimaha Guda, Gaashaandhiga iyo Hay’adaha kale ee amniga iyo nabadgelyada u xilsaaran.
d)     Guddi-hoosaadkan wuxuu xil-gudashadiisa ku salaynayaa dastuurka, sida qodobada 48, 49 iwm iyo xeerarka kale ee dalka ee hawshooda khuseeya.
Hawlaha kale ee ay tahay in ay qabato waxa ka mid ah:
Ku dabajooga Wasaaradda Arrimaha Guda, kala xadaynta gobollada iyo degmooyinkii hore, ka talo bixinta degmooyinka iyo gobollada cusub ee Daahir Rayaale magacaabay si baarlamaanku u ansixiyo, maamul fidinta iyo gacan ku haynta degmooyinka dalka, arrimahana waa qabyo.
Waxa kale oo ay ka baaqsatay samaynta E-Passport oo kharashka lagu daabaco ku soo celin lahaa laba moosin oo muwaadiniintu xajka soo gutaan, dadweynaha waxa ay ka furan lahayd baasaaboor shisheeye.
Dhinaca amniga; Somaliland waxa soo food-saartay arrintii ugu halista weynayd intii ay jirtay ee 22-ka sannadood ahayd, waa ciidanka RRU, waxa ay wadaan arrin khatar ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada dalka, haddii aan la joojin dilka iyo tacaydiga ay dadweynaha u geystaan, ma aha mid loo dulqaadan karo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Boolisku kama bixiyaan jawaab su’aalaha ka soo baxa ficilada ay RRU ku kacaan.
Waxa is waydiin mudan:-

  1. Maxaa loo sameeyey ciidanka RRU?
  2. Waa maxay ujeeddadiisu?
  3. Waa maxay hawlgalkoodu?
  4. Ayaa mas’uul ka ah khasaaraha uu geysto?
  5. Ayaa marka hawlgalka siiya?

Su’aalahan xukuumadda iyo xeer-dejintu jawaab cad ha ka siiyeen dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Ficillada ciidanka RRU ma aha shaqo booliiis, boolisku wejiga ma qariyo, albaabo ma jebiyo, weerar kuma qaado reer iska degan, boolisku ruqsad maxkamadeed buu u soo qaata halka uu baadhayo amma daba socdo, ka bacdi maxkamad baa la horkeenaa.
Ficillada RRU waa tababar argagixiso, muwaadiniinta reer Somaliland waa dad nabadgelyada jecel, waddankoodana u feejigan ilaalintiisa.
Madaxweynaha Somaliland miyaan xil ka saarnayn dhacdooyinkan soo noqnoqday ee ciidanka RRU-du ku hayo dadka rayidka ah? Madaxweyne ka-hor-tag khatarta RRU-du dadweynaha ku hayso,” ayuu Eng. Maxamed Xaashi ku yidhi qoraalkiisa.