Kaftan-siyaasadeed Muujinaya Masuuliyiinta Somaliland iyo Mid Kasta Waxa Maskaxdiisu ku Maqan Tahay

Wasiir iska eeg halka aad kaga jirto kaftan-siyaasadeedkan oo ah qormo aad u xiiso badan

Hargeysa-(Jam/Berberanews)-Maadaama ay hawlaha warbaahinta ugu muhiimsan yihiin wargelin, waxbarasho, madadaalo iyo xiiso-gelin, kuna koobnayn baahinta warar iyo dhacdooyin oo keliya, waxa uu wargeyska Jamhuuriya akhristeyaashiisa ugu talogalay qormo xiiso badan oo xambaarsan kaftan-siyaasadeed ku jihaysan madaxda iyo siyaasiyiinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Waa qormo aad iyo aad u xiiso badan oo wargeysku si mala-awaal iyo kaftan ku dheehan yahay akhristeyaashiisa ugu soo bandhigayo kaftan-siyaasadeed tilmaamo ka bixinaya madaxda Somaliland iyo mid kasta kaftanka suuqyada ugu jira ee lagu xanto in had iyo jeer maskaxdiisu ku maqan tahay.
Qormadan oo maalmaha soo socda si taxane ah ugu soo bixi doonta Jamhuuriya waa mid wargeysku ugu talogalay in akhristeyaashiisu ku madadaashaan naanaysaha mala-awaalka iyo kaftanka ah oo taabanaya badi madaxda Somaliland – kuwa xilalka haya iyo qaar aan xilligan xafiisyo fadhiyin, waxaanay qormadani si gaar ah u taabanaysaa masuuliyiinta ku dhex jira saaxadda siyaasadda ee dalka.
Qaybta koowaad taxanaha qormadan kaftanka ah oo ka bilaabmaysa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku-xigeenkiisa, labada guddoomiye baarlaman iyo dhammaan xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Somaliland iyo weliba mid kasta waxyaabaha lagu xanto ee uu ku maqan yahay waa sidan:
Madaxweyne Siilaanyo magacaabis guddi ayuu ku maqan yahay
Saylici dudmo ayuu ku maqan yahay
Saleebaan-gaal hiil buu ku maqan yahay
Cabdiraxmaan-cirro qosol buu ku maqan yahay
Wasiir Xisri gabay iibsasho ayuu ku maqan yahay
Wasiir Samaale, Muuse Biixi ayuu ku maqan yahay
Wasiir Duur hanjabaad buu ku maqan yahay
Wasiir Geeljire jawaab buu ku maqan yahay
Wasiir Abiib-timacad, Seemaal [degaan u dhexeeya Gabiley iyo Baki] buu ku maqan yahay
Wasiir Xuseen-xoog tallaal buu ku maqan yahay
Wasiir Maxamuud Xaashi guux diyaaradeed ayuu ku maqan yahay
Wasiir Xaabsade iskaraab ayuu ku maqan yahay
Wasiir Cabdi Aw Daahir maxjar buu ku maqan yahay
Wasiir Xaglo-toosiye ballanqaadkii reer Buuhoodle ayuu ku maqan yahay
Wasiir Cadami sheeko ayuu ku maqan yahay
Wasiir Cali Siciid Raygal jacayl buu ku maqan yahay
Wasiir Cali Cilmi Geelle socod buu ku maqan yahay
Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed [Wasiirka Ganacsiga] dantiisa ayuu ku maqan yahay
Wasiir Cabdirisaaq Cabdirisaaq Cali Cismaan [Wasiirka Wershadah] istiilid ayuu ku maqan yahay
Wasiir Maxamuud Axmed Barre (Garaad) mooyi meel uu ku maqan yahay
Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar meeqaam sare ayuu ku maqan yahay
Wasiir Faarax Geedoole sarac-beeris buu ku maqan yahay
Wasiir Samsam Cabdi Aadan iskuul bay ku maqan tahay
Wasiir Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed malcaamad la furayo ayuu ku maqan yahay
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale dillaal buu ku maqan yahay
Wasiir Xuseen Axmed Caydiid qareennada ayuu ku maqan yahay
Wasiir Sacad Cali Shire qorshe ayuu ku maqan yahay
Wasiir Maxamuud Siciid (Gacamay) [Wasiirka Degaanka] dhuxulaysiga buu ku maqan yahay. Iska eeg liiska dambe ee Wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeennada xukuumadda… La soco…..

XIGASHO JAMHUURIYA