Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaarihii ee Kenya Raila Odinga Oo Kulmay Madaarka Caalamiga ah ee Heathrow airport London

London(Berberanews) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Raysal Wasarihii hore ee Dalka Kenya Rail Odinga ayaa ku kulmay Gudaha Madaarka Caalamiga ah Heathrow Airport London

Weftiga

Madaxweynaha iyo Raysal Wassaarihii hore waxay halkaasi ku yeesheen kulan is waraysi gaaban ah taaso Raysal Wasaarihii hore uu ugu yimid Madaxweynaha Salaam Sharafeed  Gudaha Airportka.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dadaal adag ugu jira inuu caalamka ka dhaadhiciyo qadiyada madaxbaanida Somaliland taas oo socdaalkani noqonayo mid dheer oo uu wadamada Turkiga, Inigiriiska iyo Maraykanka kusoo waramay mudadii uu socdaalkaasi ku jiray.

 

Waxaanu Raysal Wasaarihii hore Odinga Madaxweynaha iyo Dalka Somaliland u rajeeyey in ay gaadhaan himilada qaran ee ah in Somaliland ka hesho beesha caalamka aqoonsi buuxa maadama ay muujiyeen dadaal in kabadan 20 sano Somaliland nabad iyo geedi socod dawlad nimo ku jirtay.

Intii uu ku sugnaa Xafiiska Raysal wasaare nimada Dalka Kenya waxa la kulmay wefti heer sare ah oo ka socda wadanka Somaliland Oo Ay kamid ahaayeen Wasiirka Wasaarada Arimaha Dabada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan iyop Xubno kale oo markaasi ay ka wadda hadleeen Xidhiidhka Labada wadan ee Somaliland iyo Kenya.

Raila Odinga ayaa dhawaan lagaga Guuleystay doorashooyinkii guud ee wadanka Kenya inkastoo hanaanka ay doorashooyinkaasi u qabsoomeen aad ay u dhaliileen isbahaysiga Cord ee U hogaamiyo Raila odinga   ayna dacwad u gudbiyeen Maxkamada sare balse maxkamada sare ayiday go’aankii Komishanka Doorashooyinka wadankaasi ka dhacay Raysal wasaaruhu waxa uu qaaday talaabo wanaagsan waxaanay aqbaleen isbahaysigiisu natiijadda doorashada ee Maxkamada sare ayiday.

Raila Odinga ayaa waxa uu kaga qeybgalaya wadanka ingiriiska shirka CEO Summit Africa’ ee London.