Abwaankii weynaa ee Dhoodaan oo ku geeriyooday Dalka Itoobiya, Akhriso Tix ka mid ah Jacburkii Marxuumku ku caan-baxay

Hargeysa-(Berberanews)- Abwaan Cabdillaahi Macalin Xasan ”Dhoodaan” oo kamid ahaa sugaanyahanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyoodey magaalada Herer ee dalka Itoobiya.

Geerida abwaan Dhoodaan ayaa soo baxay gelinkii hore ee maanta, wuxuuna ku dhintay Cisbitaal ku yaalla Herer, oo maalmihii u danbeeyey xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayey.

dhoodaan
Qaar kamid ah ehelada abwaanka ayaa sheegay in bilihii u danbeeyey uu la il-darnaa xanuun ka haleelay Sambbabada, iyadoo xiliyada qaarna ay ku adkeyd in uu si fudud u neefsado.
Abwaan Dhoodaan wuxuu caan ku ahaa Jacburka, oo ah jaad kamid ah suugaanta Soomaalida, waxaana la odhan karaa in isagu uu ahaa ninkii sida rasmiga ah Jacburka usoo shaac bixiyey.

Abwaanka oo soo caan baxay todobaatamaadkii, wuxuu tiriyey suugaan tiro badan oo isugu jirta gabayo, heeso iyo geeraaro. Dhanka jilitaanka riwaayadahana aad ayuu ugu fiicnaa isagoo lagu xasuusto inuu ahaa nin aad u maad badan.

Qaar kamid ah abwaannada waaweyn ee Soomaaliya iyo dadka wax ka qora suugaanta iyo afka Soomaaliga ayaa mar sii horeysey dhoodaan u caleema saaray in uu yahay “ abwaanka Somaaliyeed ee qarniga”.
Tixdii ugu qosolka badneyd ee uu tiriyey Abwaan Dhoodaan ayaa waxaa ka mid ahayd:
Hadday dumarku lacag leeyihiin MABA gaboobaabaane
Kol hadday qubays iyo wajiga bootar ku caddayso
Lixdankii siddeed baan jireey kugu tiraahdaaye HEEDHE
Jacaylkana anaa kala bartayoo wuu I daashadaye
Gabdhahaan ay ka daba boodayaan lacag ma haystaane
Habar kun iyo boqol haysataa la oggolaadaaye
Soow hadda maad garan
Sheekeeyooinkeedaana waa laga dhegeystaaye
Hadday tidhaahdo shan baan diiday waa laga dhegeystaaye
Hadday tidhaahdo cirkaan taabtay waa laga dhegeystaaye
Hadday tidhaahdo baddaan jiiray waa laga dhegeystaaye
Hadday tidhaahdo anaa kaa yar waa laga dhegeystaaye
Gaarinimo kolkay sheegatee muranka dayn weydo
Waxaa lagu yidhaahdaa bullooy shaah inoo kariye
Qaxwahay samaysaa hadduu muufo noqon waayo
Kolkaa been inay sheegtay baa lagu ogaadaaye
Soow hadda maad garan
Ayaa lagu ogaadaaye.