Burma: Isir-gumaadka lagu xasuuqayo Muslimiinta oo meel halisa maraya iyo Caalamka oo afka ka xidhay

Naypyidaw(Berberanews):- Muslimiinta dalka Burma oo dagaal sifeyn ah ay ku wadaan Budhiiska Sanamka caabuda oo ay Yuhuuddu maal-geliso, ayaa hadda bilaabay inay si fool-xun oo isir-gumaad ah u xasuuqaan xattaa Carruurta Muslimiinta dalkaas, kuwaasoo aanay illaa hadda Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadamaha iyo beesha caalamka aan midkoodna ka hadal xasuuqa Islaamka Burma lagu hayo.caruur la dal dalay

Isir-gumaadka lagu xasuuqayo Muslimiinta ku dhaqan waddanka Burma ayaa maraya meeshii ugu xumayd, isla markaana dadkii waawaynaa iyo Ubadkooda oo marka hore-ba xasuuq ba’an ay Buudhisamku ku wadeen, ayaa haatan maraya heer ay Carruurta yar-yar ee Muslimiinta del-dalaan oo ay ku dilaan xadhko ay qoorta kaga xidhayaan, dabadeedna ay meel-sare ka soo laallaadinayaan. taasoo ah tallaabo aad u fool-xun oo laga xumaado.

Dawladaha reer Gableedka iyo Hay’adaha u sheegta inay u dhaq-dhaqaaqan ilaalinta Xuquuqda Aadamaha lagu xad-gudbo, ayaan illaa hadda ka hadal dhibaatada iyo dilka xasuuqa ah ee ay Buudhiisam-ka Burma ku hayaan Muslimiinta waddankaas. Keliya waxa dagaalkaa fawaaxishka ah ka hadlay dhawr dal oo Muslim ah.

Dalalka Islaamka ee Xasuuqa Muslimiinta Burma ka hadlay waxaa ka mid ah dawladaha Turkiga, Pakistan, Maleysia iyo Indonisea, kuwaasoo cambaareeyey, isla markaana sheegay inay ka xun yihiin xasuuqa lagu hayo Muslimiinta dalka Burma oo hadda laga sifeeyay gobolladii ay ka degganaayeen dalka Burma.

Waddamadda Carabta, ayaa iyagu weli daawanaya xasuuqaas, marka laga reebo Teleefishinka Aljazeera oo si hagar la’aana uga hadla xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Burma. Umana muuqdo dagaalka lagu hayo Muslimiinta Burma dagaal ee waxa uu u muuqdaa, isla markaana yahay Xasuuq Isir-gumaad ah.

Haddii dadkan la xasuuqayo ay ahaan-lahaayeen Kirishtaan ama Yuhuud, waxaa markiiba Qaramada Midoobay iyo waddamada Reer Galbeedku si deg-deg ah ayey uga hadli lahaayeen oo ay u cambaarayn lahaayeen Muslimiinta ama cidda kale ee dagaalka isir-gumaadka ah wadda, isla markaana waxay ku hanjabi lahaayeen in tallaabo laga qaado, waxaanay ku baaqi lahaayeen in Ciidammo loo diro dalka Burma.

Dalka Burma oo sidoo kale loo yaqaano, Myanmar ama Midawga Jamhuuriyadda Myanmar (Republic of the Union of Myanmar), waa dal ku yaal koonfurta qaaradda Asia, waxay xaduud wadaagaan India, Bangladesh, China, Laos iyo dalka Thailand.

Burma waxaa lagu sheegaa dalka 40-aad ee adduunka ugu weyn iyo dalka labaad ee ugu weyn dalalka la isku yidhaahdo Koonfur-Bari Asia. Sidoo kale waxaa lagu sheegaa dalka 24-aad ee ugu dadka badan adduunka, iyadoo ay ku nool-yihiin in ka badan 60.28 Malyuun. Diin ahaan dadka reer Burma, waxay inta badan aamminsan yihiin Buddhism, qiyaastiina 89% dadka ku nool Burma waa Buddhism.

Halka Kirista dalkaa lagu qiyaaso afar boqolkiiba (4%) iyo Muslimiinta oo sidoo kale lagu qiyaaso afar illaa shan boqolkii-ba. Waxaa soo raaca Qowmiyado kale oo ay ka mid yihiin kuwo aamminsan, Hinduism, Atheism, Animism iyo Chinese folk religion.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.