Fanaanada Caanka Ah Ee Khadra Daahir Cige oo Maanso curisay

Fanka-(Berberanews)-Fanaanada Caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo ka mid ah fanaaniinta aadka loo jecel-yahay codkeeda tolmoon ee ay ku luuqeyso heesaha ay qaado ayaa waxay markii ugu horeysay taariikhda tirisay maanso baroor-diiq ah oo la yidhaahdo “Garab Igu Banaanaa’
Khadra Daahir
oo ay u tirisay Alle ha u naxariiste Guddoomiyihii hore ee Bangiga dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo ay ahaayeen Walaalo isku dheer sidda ay sheegtay. Marxuumku waxaa uu ku geeriyooday dalka Kenya taariikhu markey ahayd 11/1/2013 oo habeenimo ah, kadib markii uu madaxa-dhiig kaga furmay afar cisho ka hor waqtigaas. Khadra Daahir Cige waxaa ay tixdan baroordiiqda ah u tirisay 12/1/2013 oo ahayd markii marxuumka lagu aasay dalka Jabuuti.  
Waxaanay maansadaas oo Wargeyska Saxafi soo gaadhay u dhigantahay sidan:
Kolay geeri lama huraayo
Godkuna waa ina sugayaa
Goobta maanta ay timid
Ayaa noqotay kala guure
Garab ayaa banaanaaday
Oo Geesibaa baxaye
Tacsi baan gudbinayaa
Dhamaan gudaha Soomaal
Rabbi kuu gargaaryo
Janada eebe ku garaye
Naxariista guud iyo ta gaar
Eebe ku gogolye
Gabadhaad jeclaydiyo
Gurboodkii ay heysiyo
Gacaladii walaashaa
Khadraan Samirkan gaadhsiine
Anigana xasuus aan go’ayn
Baa I guud sudhane
Gabigood Asaxaabtii
Qalbigu waa gubanayaaye
Gocoshadda Xasuustana
Waxaan hadal ku soo gooyey
Gidigeen ILAAHAY janada
Ha ina wadageeyo”.
Gabaygan baroordiiqda ah ee ay fanaanada Khadra Daahir Cige u tirisay Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ee dhawaan geeriyooday ayaa noqonaya gabaygii ugu horeeyey ee ay tiriso muddadii dheerayd ee ay ku dhex jirtey badweynta Fanka Soomaalida.