Khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo ee 40 Sanno-guurada Qoraalka Afka Soomaaliga by Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi

Dharaarnimadii 16/12/2012-ka ayay magaalada Jabuuti soo gaadheen wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay ka mid yihiin Marwada Koowaad ee Somaliland ahna Marwada Madaxweynaha Aamina-Weris Sheekh Maxamuud Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Maxamed C/Laahi Cumar iyo Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan. Maalin ka horna waxa Jabuuti Yimi Wasiirka Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur, Wasiirka Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Cali Cilmi Geelle iyo hal-door la socday. Waxaanu habeennimadaas ka wada qaybgalnay casuumad uu Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle noogu sameeyay Kampenski Hotel oo ay joogeen saddex hoggaamiye oo kala ah Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Subaxnimadii 17/Dec/2012-ka waxaanu ka qaybgalnay munaasibad lagu xusayay 40 sanno-guurada ka soo wareegtay qoraalka afka Soomaaliga iyo daahfurka qaamuus ay ku jiraan 70, 000 eray oo Soomaali ah oo ay Jabuuti maal-gelisay. Munaasibaddan waxa fekerkeeda lahaa oo maal-geliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Iyada oo ay munaasibadda ka hadleen dad badani waxaan si gaar ah u soo qaadan doonaa khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Mudane Axmed-Siilaanyo markii uu cod-baahiyaha la wareegay waxa uu bariiday dhammaan dadkii madasha fadhiyay madaxweynayaal, wakiil madaxweyne, baarlamaan, aqoonyahanno, abwaanno iyo in-dheer garad kale waxaanu mahad u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo yidhi ?Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu hormood u yahay dhiirigelinta afka Soomaaliyeed inta ku hadasha, inta ku gabayda, inta hal-abuurka leh iyo dhaqan-gelintiisa ayuu aad iyo aad ugu weyn yahay, magac iyo maamuus ugu leeyahay, qiime iyo sharaf ayuu u soo hooyay?.

 

Isagoo Madaxweyne Siilaanyo sharxaya xilkii uu hayay 1972-kii markii Af-Soomaaliga la qorayay waxa uu yidhi ?Waxa aan ka mid ahaa maalintii Af-Soomaaliga la qorayay 1972-kii dawladdii wakhtigaa jirtay ee ku dhawaaqday qoraalka afka Soomaaliga. Waxaan ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka. Waxaan aad u xasuustaa guddigii af Soomaaliga qoraysay wasaaraddayda waxay markii hore u soo jeediyeen wasaaradda jaangooyada, waan ka hor imid. Waxa i caawisay dhaqankaygii aan ka soo jeeday ee reer baadiyaha ahaa, anigoo dib ugu noqday carruurnimadaydii ayaa waxaan xasuustay marka reer miyigu degayo, ee uu meel bannaan degayo haddaanay meeshu degel deggane ah ahayn, oo uu yagleel yahay waxa la sameeyaa wax la yidhaahdo qorshe. Qorshaa la samayn jiray oo geelu halkuu ka soo jeedsanayo guriga waa laga yara fogayn jiray, meel la dugsado ayaa laga dhigi jiray. Aqallada arooskaana reerka waa laga durkin jiray. Oo islaanta reerka ugu weyni halkay degayso waa la qorshayn jiray.meel aan la qorshayn lama degi jirin.

 

Markaa la qorsheeyo ayaa la degi jiray, sidaa daraadeed. Markaa wasaaradda maaliyadda waxa hayay nin aan hadda noolayn oo aanu saaxiib ahayn Alle ha u naxariistee Ibraahim Maygaag ayaa wasiir ka ahaa, markaa waxaan ku idhi guddigii afka qorayay jaangooyada cagta ayaa lagu sargooyaa jaanta cagta la saarayo, ee qorshaynta ayaa ka wanaagsan oo dakhliga iyo qarashka ayaa la qorshaynayaa. Markaa Alle ha u naxariistee Ibraahin Meygaag ayaa guddigii ku riixay markaa sidaas ayay qorshayntu ku baxday. Aad baan ugu faraxsanahay inuu magaci si buuxda u hirgalay?.

 

Isagoo ka hadlaya Afka Soomaaliga waxa uu Madaxweynuhu yidhi ?Af-Soomaaligu waa waxa koraya, ee maanta dhallinyarad, hal-abuurka iyo mutacallimiinta gacanta ku hayay ay inoo sharxayeen ee koraya, maalin walbana wax kobcaya ee wax ku darmayaan kuna biirmayaan. Insha Allaahu tacaa waxay noqon doontaa luqadda luqadaha ugu waawayn. Dadka Soomaaliyeedna waxa isku xidhaya dhaqankiisa, noloshiisa, mustaqbalkiiska iyo ammaankiisaba inuu noqdo Afka Soomaaligu ayaan rejaynayaa, Allena innagu guuleeyo oo ay noqoto luqad dalkeenna, dadkeenna iyo diinteennaba anfacda ayaan rejaynayaa insha Allaahu tacaalaa?.

 

Gebagabadii hadalkiisa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku celiyay mahad-naq ballaadhan oo u jeediyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacbigiisu doorka hormoodnimo ee ay ka qaataan hawsha dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaalida waxaanu si buuxda u ballanqaaday inay Somaliland ahaan diyaar u yihiin inay qaban doonaan kaalinta kaga soo hagaagta hawshan baaxadda leh.

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Jabuuti, Caasimadda Jamhuuriyadda Jabbuuti

Tell: 0025377779575

saedmgahair@hotmail.com