Maanso: Maxaa laysu dhaarsaday? waxa hal-abuurtay Yaasmiin Maxamed Kaahin,

Maansadani waxa hal-abuurtay Yaasmiin Maxamed Kaahin, waxaanay curatay 05/12/2012. Waxay diiradda saaraysaa oo ay ka hadlaysaa muhiimadda nabadda, dhibaatada dadka dhuuniga dhaafsada dal jira iyo sidoo kale, in muranka doorashada golayaasha deegaanka ee ififaalihiisu muuqdaa aanay noqonin mid halis geliya bulshada nabadda ku caano-maashay ee Somaliland. Waxay digniin u tahay da’yarta, waxay dardaaran u tahay da’weynta iyo inta dareensan dhibta ka dhalan karta haddii muran ku salaysan kursi-doon iyo dano-shaqsi ay sii xoogaystaan.

 
Dhabankaygu jiifiyo,
Dhinacii xamili waa,
Inaan yara dhakoolee,
Mahdiyow maxaa dhacay,
Sowtan dhiilo sheegtii,
Doqontii dhammaarrayd,
Tooosisay dhallaankii,
Maxay uga dhug leeyiin,
Dhaartay wadaan iyo,
Warmahay dhillinayaan,
Maxaa xuma ku-dhaataha,
Degelkeena uun dhigay!
Ninka dhereg la jiifeen
Maatidayda dhawrayn?
 
Dirqi laguma dhalinine,
Guushuu dhaliyey geesigu,
Gelin inay ku dhumiyaan,
Miyaagebi-dhaclayntani?
 
Ma sidii dhurwaagay,
Dadkaan quudan dheriyeen,
Dhereggaba aqooneen,
Nabaddaa dhulkood taal,
Dhaxamaha ka hoos gala,
Lafta duudka dhabarkee,
Waayuhu dhisheenbaa,
Dhaayuhu qabteenoo
Ku dhugtama tiraahdeen?
 
Miyaan jiidhka dhiidhyaa,
Kuba oolin Dheegoow,
Ninka dheeha muuqdiyo
Dhaldhalaalka duunyada,
Meel dhadadu qoysiyo,
Ka yaqaan dhadhaarada,
Dhuuniga la quutana,
Kolkuu dhawr habeen qado,
Inaan dhuunta qoynayn,
Gasiinkii dhamaa yahay,
Ayaa dhamacda shaydaan,
Ku dhex tuur is-leediin?
 
Qaranimo dhamaystiran
Caruurtaanu dhigayaad
Reer hebel ka dhigateen.
Hooyadaan dhallaankii,
Qaydkiiba kaba dhigin,
Miyaad dhabarka saaroo,
Haba dhigin ku leediin?
 
Haddaad dhuux ciroobaha,
Kaba doogin dhibkii hore
Ilma qoyso dhabankiyo,
Dhalandhool badaysaan,
Maxaa laysu dhaarsaday,
Kolkay dhalatay maandeeq?
 
Dheeha cadowga goonyaha
Dhayal miyaan u siinnaa?
Maxaa dhimay hayaankii
Ma dhuuxii halyeygaan,
Dhayal aan ku qoonnaa?
 
Dhalintaan ku faanee,
Dhulkan Alle ku beeroow,
Kii dhaliyay guushaad,
Saaka dharab ku joogtaan,
Ka dhiidhiyey xumaataha
Dhiggaabuu ahaayoo,
Diinkiisaa lala dhacay,
Dhiig wuxuu u qubayee,
Dhuuntiisaa loo jaray,
Dhaxal inaad lahaataan,
Aad ku dhaafto qayrkaa.
 
Ninkad hoofshay ubadkee,
Ooridiisii Yurub dhigay,
Muxuu kuugu dhibayaa?
 
Kii ila dhashaad tahay
Miyuu dheefta xoolaha
Dhinacaaga mariyaa,
Kolkuu dhuxusha kugu shido?
 
Dhawaaqayga yeedhiyo
Baaqayga dhacayana,
Dhegihiina ii fura,
Dhallintii dalkaygaay,
Dhag-xumaanta diidoo,
Ha noqonina dhagar-qabe,
Magacaandharaar hadhin,
Ha ka dheefsan maantaba,
Dhawrta nabaddu waa gobe.
 
Dhacmayoo fogaadee,
Aan dhoodimeeree,
Duco ii dheh aamiin.
 
Allahayoow dhibkii jira,
Adigaa dhamayn kara,
Adaan dhagax adaygiyo,
Samadiyo dhulkaa badan,
Dhalan-roganka idilkood,
Kugu ahayn dhib kugu wayn.
 
Dhulka gube, dhallaan roge,
Dhanxiirkiyo iblayskiyo,
Inta jecel dhibaatada,
Umaddayda dhisaniyo,
Amnigaa dhisaalmee,
Dhidibkiisu adag yahay,
Ninka dheef la quutiyo,
Dhaafsanaaya Gaws qudha,
U soo celi dhammaanshaha,
Iyo dhabbada kheyrkaba.
 
 
Waxa curisay: Yaasmiin Maxamed Kaahin
Email:qalinbila01@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.
http://kaariye.blogspot.com/2012/12/maanso-maxaa-laysu-dhaarsaday-wc-yasmin.htm