112 qof oo ku naf waayay dab ka qarxay wershad dharka sammaysay oo ku taal Bangladesh

 

BBC-(Berberanews)-Dab ka kacay warshad dharka samaysa oo ku taala magaalada Dhaka ee Bangaladesh ayaa dilay ugu yaraan boqol iyo laba iyo toban qof.

Qaar ka mid ah dadka ayaa dhintay kadib markii ay iska soo tuureen dariishada.

Dab damiyayaasha ayaa shan saacadood la halgamaayay dab daminta. Sababta dhalisay dabka ma cada, laakiin waxaa laga cabsi qabaa inay ka dhalatay cilad koronto.

Warshada ayaa waxaa iskaleh Tazreen Fashion, oo ka mid ah shirkadaha waawayn ee Bangaladesh dharka u sameeya dukaamada reer galbeedka sida Walmart, Carrefour iyo Tesco.