Wacdarihii xisbiga kulmiye iyo hirdanka doorashada golaha degaanka ee magaalada berbera

 

Berbera-(Berberanews)-Kumannaan kamid ah taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ayaa Ololaha doorashooyinka golayaasha degaanka  ee dalka ayaa shalay waxa si wayn isgu soo baxay guud ahaan degmooyinka Gobolka Saaxil ka koobanyahay.

Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo ay horkacayaan masuulliyiinta xisbiga eek u nool magaalada Berbera ku soo wareegen  jidadka waa waynee ku yaala gudaha magaalada  iyagoo dadwanahaasii  siitay calanka ataanta u ah  xisbiga iyo sawirada munashixiinta iyo baabuur  aad u fara badan oo ay saran  yihiin makafoono ay ka baxayeen heeso guubaabo ah iyo heesaha u gaarka ah xisbiga KULMIYE.

isoo baxa xisbiga KULMIYE ee magaalada Berbera iyo Guud ahaan Gobolka Saaxil ayaa lagu tilmaami karaa isoo bixii abid ugu waynaa ee ka dhacay degmada berbera dabaal dega ay ka muujiyeen xisbiga kulmiye ayaa ah mid taariikh ah  ooh ore looga baran  dadwaynaha  ku dhaqan  degmada  berbera.

Degmooyinka Sheekh, Laasciidle, Abdaal, iyo dhammaan tuullooyinka hoos yimaada Gobolka Saaxil, ayay taageerayaasha Kulmiye si weyn isugu soo baxeen.

Berberanews.com

info@berberanews.com