“Ninka Garoonka soo galoow waxaad ka heshaa baad leedahay..”Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi


Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga tallada Somaliland ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa ururada siyaasadda ee qaygelaya tartanka ololaha doorashada ugu goodiyay inay nasiibkooda ka qaadaan tartanka doorashada.

Mujaahid Muuse Biixi oo la hadlayay maanta kumannaan ka mid ah taageerayaashiisa caasimadda Hargeysa, ayaa Komishanka doorashooyinka u soo jeediyay inay tallaabo sharciya ka qaadaan ururada ku hanjabaya inaanay aqbali doonin natiijada tartanka doorashada, waxaannu yidhi sidan;

“Waxa jira xisbiyo tartamaya, oo dhammaantood aanu soo dhawaynayno, oo aanu korinayno, qaar baa xisbiyada weli ka wallaacaya natiijada oo leh ‘yeeli mayno natiijada’ haddii nalaga badiyo; waxaannu u sheegaynaa taasi gar maaha, Ninka Garoonka soo galoow waxaad ka heshaa baad leedahay, dadka ayaa dooranaya xisbigay talada u dhiibanayaan. Annagoo ah oo doorashadii hore ee Madaxtooyadda ku guulaystay, ayaannu ogolaanay inaanu la tartan ururo hadda la bilaabay, markaa waa in la aaminaa tartanka doorashada wixii ka soo baxa. Komishankana waxannu u sheegaynaa Xisbiyada ku goodiyaya natiijada aqbali mayno, inay wixii sharcigu yahay ka qaadaan.”

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

info@berberanews.com