Midawga Afrika oo ka dalbaday Golaha ammanka QM inay dib u eegid ku sameeyeaan xayiraada hubka Somalia


Addis Ababa-(Berberanews)-Ururka Midowga Afrika (AU), ayaa qarammada Midoobey ka dalbaday meel-marinta dib-u-eegis in lagu sammeeyo hub ka qaaista Soomaaliya oo ay ku tilmaameen mid door weyn ka geysan karta dhismaha difaaca ciidammada Soomaaliya.

 War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika, ayaa lagu muujiyay baahida Soomaaliya u qabto in hubka laga qaado, islamarkaana waxa lagu muujiyay baahida loo qabo taagero caalami ah oo la siiyo ciidamada nabad ilalinta midawga afrika ee AMISOM , oo u baahan in laga taageero dhinaca badda, “Dhab ahaantii, horumarka AMISOM ma noqon doono mid ka sii shaqeeya goobaha xasiloon ee laga sifeeyay kooxda xidhiidhka la leh Alqaacida ee Al-shabaab, illaa la helo taaageero dhinaca badda ah oo u suurtagelisa AMISOM inay xaqiijiso ilaalin dhabta ah ee xeebaha Soomaaliya.”

Midowga Africa wuxuu Golaha ammaanka ka codsaday in dib u eegis lagu sammeeyo xayoraadda hubka ee saaran Soomalaiya oo ay ku tilmaameen mid ay in badan ku celceliyeen Madaxweynayaha iyo dawladda Soomaliya, si loo dhiswo awoodda ciidammada.

Berberanews.com

Info@berberanews.com