Magacaabistii, Melefsigii iyo Xil-ka-maroojintii BOOBE: Saddex aan wada socon – W/Q. Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Q. 9

Maalin-qorka “Mucjisadii nagu soo martay Wasaaradda Warfaafinta: 19/3/12ka-4/9/12ka) Qalinkii: Maxamed Cismaan Mire (Sayid), Guddoomiyaha Dawan Media Group.

E-mail: dawanchairman@gmail.com
Qormadii hore waxaynu ku soo aragnay in tirada uu Boobe ku sheegay shaqaalaha Tv-ga ee ka hawl gala wadamada dibadda. Ay ku jiraan 9 qof oo caagleyaal ahi. Kuwaas oo bil kasta lagu qaato lacag dhan $12,600.
Hadaba, waxaa  Illaahay mahadii ah  in  uu   Boobe laftiisu ka marag furay arintaas jiritaankeeda. Waxaanu  inoo sheegay  in tirada shaqaalaha Tv-ga ee wadamada dibadu ay ka mid tahay Ilaha dhaqaalahu ka yimaado, ee loogu   hadal-haynta  badan yahay.  Hadalkii uu ina yidhi markii uu arintaas ka waramayeyna waxa uu ahaa sidatan. “Hadal-haynta Wasaaradda Warfaafintu waxay ka timaaddaa waa TV-ga Qaranka, waxaanay sal iyo cidhibba ku leedahay dhaqaale. Dhaqaalahaasi laba ilood ayuu ka yimaaddaa: Miisaaniyadda Xukuumaddu ay siiso TV-ga Qaranka, gaar ahaan qaybta ku beegan Laamaha Dibadda oo ay ka hawl-galaan qiyaas dhan ilaa 33 qof oo u kala qaybsama: Ingiriiska 14, USA 3 qof, Holland 1 qof, Norway 2 qof, Sweden 2 qof, France 2 qof, Djibouti 1 qof, Kenya 2 qof iyo Ethiopia 3 qof. Marka laga reebo dadka ku qoran dalalka Geeska Afrika oo midkiiba bishii loo diro 1,000$, inta kale ee Yurub iyo Mareykan joogta midkiiba bishii waxa loo diraa 1,400$”.
Marka hore  Boobe  waxaan leeyahay  markhaatigaaga Alle ha furro. Waayo waxa uu si dhab ah inoogu xaqiijiyey in  uu jiro dhaqaale laga helo shaqaalahaasi.  Waxaase la is weydiin karaa waxa uu yahay dhaqaalaha ku jiri kara dhawr iyo sodonka qof ee shaqaalaha ahi. Dabcan sidii aan horeba idiinku soo sheegay  tirada rasmiga ah ee shaqaalahaas waxaa ku jira, oo dul saar ku ah 9 ruux oo caagleyaal ah. Sidaas darteed dhaqaalaha uu Boobe inoo  tilmaamay  waa mushaharka u qoran  sagaalkaas qof ee aan jirin.  Kuwaas oo faah faahintooda iyo wadamada ay ku kala qoran yihiina tahay sidatan.  Wadanka Swedan waxa ku qoran 2 qof . Wadanka  Ethiopia waxa ku qoran 3 qof.  Ingiriiska wax ku qoran 1 qof  oo dheeraad  ah.  Faransiiska waxa ku qoran 2 qof.  Iyo 1 qof oo ku wada qoran labada wadan ee Austeria iyo Germany.  Waxaana xusid mudan in saddexda qof ee ku qoran dalka Itoobiya mid ka mid ahi aanu ahaynba qof  reer Somaliland ah.
Xaqiiqadu marka ay sidaas tahay.  Waxa aanu shaki ku jirin  in uu qof waliba is weydiinayo cida waxan samaysay ee qoratay shaqaalaas beenta ahi cida ay tahay. Runtu waxa ay tahay in aanay masuuliyada arintaas  cidi  ku wehelin Boobe iyo hawl wadeenada xafiiska maamulka iyo lacagta ee Tv-ga. Sababtoo ah iyaga ayaa si buuxda masuul uga ahaa qorida shaqaalaha, diyaarinta iyo saxeexida waraaqaha mushahar bixinta (Payroll) soo qaadida, bixinta, qaybinta iyo kala dirida lacagta mushaharka ah ee la siiyo shaqaalaha gudo iyo dibedba. Waxaana run ah oo aan Boobe markiisa uga marag furayaa, in mushaharka shaqaalaha dibadu ka mid ahaa waxyaabihii aanu isku khilaafnay. Sababtoo ah waxaanu ogaanay in lacag faro badan lagu xado mushaharka shaqaalaha dibadda. Sidaas darteed waxaanu wasiir Boobe u soo jeedinay in uu joojiyo lacagtaas. Hase ahaatee Boobe ma garawsan soo jeedintaas. Waxaanu noo arkay niman isaga duulimaad ku ah. Ama ujeeddo kale leh. Run ahaantiina inta jeer ee aanu wasiir Boobe kala hadalnay wax ka qabashada arintaasi. Ma aha wax tiro lagu garan karo.  Bil amaarase maalintii u dambaysay ee aanu odayga sida cad ugu sheegnay joojinta iyo wax ka qabashada arintaas tuugada iyo musuq maasuqa ku dhisani. Waxay  ahayd maalintii uu ka sheekeeyey ee aanu madaxweynaha afarta Agaasime ugu tagnay. Taasna malaha waabu dafiriye. Maalintaasi waxay ahayd maalin marag iyo markhaati leh. Waayo waxaanu ku wada hadlaynay, oo aanu Boobe arintaas ugu sheegnay Madaxweynaha hortiisa.
Waxaase wax lala yaabo ah in uu  Boobe maanta  is leeyahay ka waramida arintaas cid kale ku ceebee. Waase  yeelkii iyo garashadiisee. Maxaa naga galay dheh.  Ma kol bay annaga taasi na qabanaysaa? Sowtii horeba  loo yidhi “Midho nimaan cunin ma qabtaan”.  Waxaanse leeyahay wax lagu farxo ah, oo aan  ummadaba ugu bushaaraynaa in aanay maantaba jirin, ee  joojiyey  lacagtii tuugada ahayd ee bil kasta musharka shaqaalahaas lagu xadi jirey. Taasina waa mid ka mid ah guulaha tiradda badan ee Boobe dabadii warfaafintu gaadhay. Sidoo kale waa mid ka mid hantida tirada badan ee Boobe dabadii ummada u baaqatay.
Waxa kale oo iyaduna wax laga xishoodo ah dhaliisha Boobe ee ku saabsan TV-ga Qaranka.  Taasoo run ahaantii ah mid muujinaysa, Boobe in aanu garanayn dhaliisha iyo baylahda uu ku sheegayo TV-gu. In ay ka mid yihiin,  waxyaabihii in uu wax ka qabto looga dhigay wasiirka warfaafinta. Tan kale marka uu maanta inoo sheegayo in Tv-ga qabyo weyni taalo. Macnahu sow maha in uu meesha iska dhex fadhiyey oo aanu waxba ka bedelin qabyadii uu meeshaas ugu tegay. Toloow ninku siduu yahay?  Siduu doonaba ha ahaadee, waxaa farxad noo ah in Boobe ummaddu nala baratay. Ma waxaad aragteen nin madax ah oo meeshii uu shalay xukumayey dib u caaya Boobe hortii. Taatiikhda Somaliland iyo taariikhda dunida miyay ka dhacday Boobe ka hor nin wasiir ah oo markii uu xilka ka degay. Gambadh ugu soo fadhiista cayda iyo aflagaadaynta dadkii la shaqayn jirey ee uu madaxda u ahaa mid yar iyo mid weynba. Miyaa hore loo arkay ama loo maqlay nin madax ahaa oo markii xilka laga wareejiyey sii urursaday waraaqihii xafiiska oo dhan, ka dibna saxaafada u qaybiyey Boobe ka hor.  Waa shaki la’aan intaas iyo inkale oo aanan xusinba in aan Boobe looga horaynin. Sheeko iyo shaahid toona.
La soco………………………………….