Goobjoogayaal Caalamiya oo ku soo fool leh Doorashooyinka Somaliland


Hargeysa-(Berberanews)-Goobjoogayaal caalamiya, ayaa oo ka socda UK iyo Midowga Yurub, ayaa ku soo fool leh Somaliland horraanta bisha Nomevber, kuwaasoo martiqaad ka helay Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Kooxda Goobjoogayaasha ah oo uu hoggaaminayo Dr Steve Kibble oo ka socda Progressio iyo Dr Michael Walls oo ka tirsan UCL. Hawlahaasi waxa maalgalinaya Waaxda Horumarinta Caalamka (DFID) ee UK waxay kormeeri doonaan doorashooyinka dawladaha Hoose ee Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Progressio waxay kooxdani timi Somaliland doorashadii Baarlamaanka ee dhacday 2005-tii iyo tii Madaxtooyada ee dhacday 2010.

“Somaliland Waxay muddo dheer xaqiijisay inay samayso dimuqraadiyad adag oo soo taxnayd tan iyo 1991-kii. Waanu soo dhaweynaynaa goobjoogayaasha caalamka ee kala duwan”. Sidaasi waxa yidhi Eng. Essa Yusuf Mohamed, Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka Progressio.

Berberanews.com

info@berberanews.com