Dhoolatuskii Xisbiga KULMIYE ee Hargeysa, Faankii Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Farxaddii Muuse Biixi. Daawo Sawirro

 

Hargaysa-(Berberanews):-Xisbiga talada haya ee KULMIYE ayaa maanta Dhoolatus balaadhan ku muujiyey awooda taageerayaashiisa, iyadoo ay boqolaal ka mida taageerayaal dhalinyaro u badani iskugu soo baxeen Fagaaraha beerta Xoriyadda ee Caasimadda Hargaysa.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga Cabdillaahi Geeljire, Xildhibaano ka socday Goleyaasha baarlamaanka Somaliland, Haween ka socday Ururka Now, 25-ka Musharax ee Xisbiga KULMIYE uga qayb-geli doona Tartanka doorashada Goleyaasha deegaanka iyo Marti sharaf kale, ayaa ka soo qayb-galay Dhoolatuska balaadhan ee Xisbul-xaakimka talada dalka hayaa uu soo bandhigaayey, ;iyadoo maantana ay ahayd Maalintii saddexaad ee Olalaha doorashada deegaanka Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo la hadlaayey Boqolaal ka mida Taageerayaasha Xisbigiisa, ayaa waxa uu sheegay inay jiraan Ururro damacsan inay ka hor yimaadaan natiijada doorashada Goleyaasha deegaanka, kuwaasoo uu shaaciyey inay hadda ku Goodiyayaan inaanay aqbali doonin natiijada ka soo baxda, waxaanu yidhi “KULMIYE waxa uu u arkaa Mustaqbalka Somaliland mid bash bash iyo barwaaqo ah. Waxa la yidhaahdaa marka Illaahay wax ku siinayo  dadkiisa ayuu siiyaa, markaan eego Dhalinyarada badan ee Jaamacadaha dalka ka qalin-jebiyey ee faraha badan ee dedaalka muujiyey, markaan eego dhalinyarada reer Somaliland ee Addis ababa afarta billadood ka soo qaatay ee cid walba ka badiyey, markaan eego Maxamed Faarax oo laba billadood soo qaaday, waxaan qabbaa in Mustaqbalka Somaliland uu noqonayo mid bash bash iyo barwaaqo ah. Xisbiga KULMIYE waxa uu isku xidhayaa  Mustaqbalka iyo taariikhda Somaliland. Kulmiye waxa uu joogaa marxalad adag oo kala guur ah oo ah in dhaqaale, nabadgelyo, Caafimaad iyo arrimo bulshadabba la Horumariyo. Dadka maanta KULMIYE iyo dawladdiisabba hogaaminayaa waayo-arragnimo ayey u leeyihiin sidii ay Waddanka marxalladaas uga saari lahaayeen.  

Halkan waxaad ku arkayseen Xildhibaanadii aanu idin soo xulnay inay daboollaan baahiyaha Caasimadda Hargaysa ka jira, waxaanan qabbaa in Nimankii aad halkan ku arkayseen dhammaantood waa Rag aqoon-yahanno ah oo is-bedelka Xisbiga KULMIYE wado la jaan-qaadi kara, markaa waxaan idinka socod-sanayaa inaad codkiina siisaan.”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo halkaas hadal ka jeediyay, ayaa ka hadlay guulihii xisbiga Kulmiye gaadhay mudada labada sano iyo badhka ku dhaw ee xukuummaddiisu xilka hayso, waxaanuu yidhi, “Mudaneyaal iyo Marwooyin-ba waxaad la socotaan in Xisbiga KULMIYE uu ka dhabeeyey balan-qaadyadiisii waxqabad ee ku suntannaa buuggiisii oo aanay buun-buunin iyo beentoonna ahayn oo ay Xukuumaddu fullisay 70% ayaan leeyahay, taasoo ay ka run sheegayaan Indhihii caafimaad qabbaa.

Hadaan ku horeeyo qodobka Nabadgelyada, waxaad la socotaan inaan nabadgelyada la’aanteed aanay waxba jirayn. Xukuumaddan ka soo jeeda Xisbiga KULMIYE iyadoo ka duulaysa baahida loo qabbo nabadgelyada waxa shacabi iyo Xukuumadba la isla qaatay in meel looga soo wada jeesto adkaynta Nabadgelyada, waxaad la socotaan xasilintii ay Xukuumaddu ka gashay meelo kala duwan si aanay u daadan dhiig dambe.

Xukuumaddu waxay xoojisay tayada Ciidanka Booliska, iyadoo tababbaro kala duwan oo kor loogu qaadayo heerkooda aqooneed, isla markaana waxa lagu kordhiyey Shan boqol oo Askari oo dhiig cusub oo ah Ardaydii ka soo baxday Dugsiyada sarre iyo Jaamacadaha dalka.

Xukuumaddani intii ay talalda dalka haysay waxa ay bilaash ka dhigtay Waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe ee dalka, taasoo suuro-gelisay inay dadkii dan-yarta ahaa ay Ubadkoodii u helaan Waxbarasho. Waxaanu labadii sanadood ee aanu Xukunka haynay aanu shaqaalaysiinay Saddex kun oo Macalin, iyadoo ay ku guuldaraysteen Xukuumadihii naga horeeyey.

Xukuumaddu waxa ay xooga saartay dhinaca Caafimaadka, waxaana u suurto-gashay oo hadda gebo-gebo ku dhaw Cusbitaal caalamiya, iyadoo kii horenna lagu qalabeeyey 250 Sariirood oo cusub, waxaanan shaqaalaysiinay 450 Dhakhaatiir ah oo ka qalin jebiyey Jaamacadaha dalka. Waxa la hawl-geliyey Mashiinadii Kalyaha oo dhawr-sanadood dhex yaallay Cusbitaalka weyn.”ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

info@berberanews.com