Al-shabaab oo weerarro ku qaaday Fadhiisimmo ciidammada Dawladdu ka sammaysteen duleedka Baydhabo

 

Baydhabo-(Berberanews)-Kooxda Al-shabaab, ayaa xalay weeraro culus ku qaaday fadhiisimmo ay deganyihiin ciidammada dawladda Soomaaliya ee duleedka magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Weerarka Al-shabaab qaaday ayaa sababay iska-caabin kaga timi dhinaca ciidammada dawladda oo uu dhexmaray dagaal noocyada kala duwan ee hubka laysku adeegsaday, haseyeeshee aanay jirin cid si rasmiya u xaqiijisay khasaaraha dhabat ah ee ka dhashay dagaalladan.


Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ee ku sugang gobolka Bay ayaa billaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan, iyadoo ciidamada Itoobiya ay intooda badan ka baxayaan degmada Baydhabo, una dhaqaaqay goobaha ay Al-shabaab ku sugantahay.

 

Tan iyo intii ciidammadda gaashaanbuurta ah ee AMISOM iyo kuwa dawladdu Al-shabaab ka qabsadeen magaalada Kismaayo oo ahayd xudduunta dhaqaalaha ugu badani ka soo geli jiray, ayay al-shabaab bilowday xeelad dagaal oo gaadmo iyo jidgooyo u badan, kuwaasoo ay ku laayeen saraakiil iyo ciidammo badan.

Berberanews.com

info@berberanews.com